Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska Ee Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska Ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la qaatay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo koox ka socotay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) ee Safaaradda Ingiriiska.

Danjire Kate Foster Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliyaa ayaa Wasiirka iyo Mas’uuliyiintii kale ee la socotey si diiran u soo dhaweeyay kagana warbixiyey xiriirka iyo wadashaqeybta ballaaran ee Wasaaradda iyo Safaaradda ka dhaxeysa.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Labada dhinac ayaa ka wada hadley sidii loo cusboonaysiin lahaa ballan-qaadkoodii ku aaddanaa Iskaashiga Horumarinta qeybta Caafimaadka, waxayna isla garteen kawadashaqeynta hannaanka ay Dowladda u hoggaaminayso ee ah hirgelinta Barnaamijka “BETTER LIVES” oo ay maalgeliso FCDO iyo in la hubiyo Maalgelinta UK ee la jaan-qaado mudnaanta Dawladda si Bulshada loo gaarsiiyo xirmo isku dhafan oo muhiim u ah adeegyada Caafimaadka (EPHS), iyo xoojinta nidaamyada maamulka Caafimaadka ee mudnaanta leh si ay iskukaabaan Mashaariicda horumarineed ee kale oo ay maalgeliyaan hey’addaha kale ee horumarinta kala shaqeeya Wasaaradda sida Bangiga Adduunka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahadceliyay sida joogtada ah ee ay Dowladda UK uga go’an tahay taageerada ay ku bixinayaan iyo dadaalka ku aaddan wax ka qabashada masiibada COVID-19 iyo abaaraha socda ee saameeyay in ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ilaa hadda.

Dawladda Boqortooyada ingiriiska waxay gacan ka gaysatay qaabaynta iyo horumarinta Xirmada Aasaaska ah ee Adeegyada Caafimaadka (EPHS) oo ah qaab-dhismeedkeena Qaran ee habaynta, maaraynta iyo bixinta adeegga Daryeelka Caafimaadka aasaasiga ah ee Dalka.

Wasaaradda waxaa ka go’an xal u hellidda baahiyaha dhanka Caafimaadka ah ee ka jira dalkeena iyadoo la xoojinayo xiriirka Wasaaradda ay la lee dahay daneeyayaasha Horunarinta Caafimaadka si loo hello Bulsho bad qabta.

Previous Post

Wafdi kormeer ah oo boqasho ku tagay Xerada tababarka booliska Galmudug ee Cadaado.

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Digreeto Ku Soo Celiyay Xuquuqda iyo Darajada Ciidan Ee Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Digreeto Ku Soo Celiyay Xuquuqda iyo Darajada Ciidan Ee Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Digreeto Ku Soo Celiyay Xuquuqda iyo Darajada Ciidan Ee Sareeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In