Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Saddex biloodlaha ah ee isku duwidda Howlaha Caafimaadka Dalka ee 2023

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS oo soo xiray shirka Saddex biloodlaha ah ee isku duwidda Howlaha Caafimaadka Dalka ee 2023
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo uu soo xiray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam ayaa waxaa ka qeybgaley Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen, Dr Guuleed Cabdijaliil Sh. Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime waaxeedyada Wsaaradda Caafimaadka, Wakiilo ka socday Dowlad goboleedyada, Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Caafimaadka Soomaaliya xubno sare oo ka kala socday xafiisyada kale ee Dowladda Dhaqaatiir iyo kaadiriin dhanka Caafimaadka ah.

Kulanka oo soo idlaaday maanta oo ay taariikhdu tahay 31 bisha July 2023 ayaa lahaa ajando balaaran, waxaana ka soo baxay natiijooyin wax ku ool ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen ujeeddooyinka sida hawl-qabadka iyo xog wadaagga ku saabsan horumarinta Caafimaadka Soomaaliya iyo sii amba qaadida nuquladii horey uga soo baxay Shirarkii hore ee looga soo hadlay horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka ayaa hogaaminaysay mowduuc walba, waxaana lagu soo bandhigay labadii maalin ee uu socday qodobbo waawayn iyo doodo la xiriira Caafimaadka dalka si dhammaan ka qaybgalayaashu ay wax ku biiriyaan, iyada oo ujeedadoodu tahay in la helo isfaham cad oo la isku raacsan yahay kuna wajahan ballaarinta iyo horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Waxaa kulanka labadii maalin ee uu socday sidoo kale diiradda lagu saaray inta badan in la hawlgeliyo natiljooyinkii shirkii lagu qabtay Maajo 2023 magaalada Nairobi iyo in la xoojiyo hawlaha isku-duwidda Caafimaadka Soomaaliya si loo xaqijiyo gaarista hanaanka Caafimaadka dhamaystiran.

Xog ogaaladii ka soo qeybgaley kulanka ayaa doodaha iyo soojeedintoodu muujinaysa heerka isbed-bedalka Caafimaadka Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo qaadey dhinaca horumarinta Caafimaadka guud ee Soomaaliya, waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo bandhiggida qodobo waawayn oo waxtar u leh jihaynta horumarka Caafimaadka dalkeena.

Doodihii ka qeybgalayaasha kulanka sedax billoodlaha ah ayaa  looga hadlay horumarinta iyo sidii Soomaaliya u gaari laheyd yoolka Caafimaadka tayeysan ee loo dhan yahay iyada oo la kaashanayo saaxiibadda Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafinaadka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka waxaa ka qeybgaley Agaasimayaal, xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka socda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya sidoo kalena ka qeyb qaata horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Gebagebada kulanka ayaa laga soo saaray nuqulo wax ku ool ah oo muujinaya qodobadii diiradda ka saarey iyo sii wadida tallaabooyinka horumarinta Caafimaadka ee hadda maraya heer aad u fiican iyo sidoo kale xoojinta howlaha isku-duwidda Caafimaadka Soomaaliya.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hellitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.

 












Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Ergeyga gaarka ah ee UNHCR u qaabilsan Geeska Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Bankiga adduunka oo meel mariyey $75 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya

Next Post
Bankiga adduunka oo meel mariyey $75 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya

Bankiga adduunka oo meel mariyey $75 milyan oo lagu kabayo miisaaniyadda dowladda Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In