Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madax Ka Socotay IMC

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madax Ka Socotay IMC
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo Xafiiska Ku qaabiley Wafdi ka socotey International Medical Crops (IMC).

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mr Axmed Yuusuf Cabdulle iyo qaar ka mid ah howl wadeenada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Wafdiga ka socdey IMC oo uu hoggaaminayey Ronald-Paul Veilleux Wakiilka IMC ee Soomaaliya, ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda u gudbiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo kaalinka ay ku leeyihiin horumarinta qeybta Caafimaadka Soomaaliya.

Madaxda hey’adda, ayaa boggaadisey in Wasiirku gartey doorka ay ku leeyihiin Horumarinta Caafimaadka oo markasta ay qeyb wayn ka yihiin, waxa ayna faahfaahin buuxda ka bixiyeen howlaha ay gacanta ka geystaan ee la xiriira qeybta Bani’aadannimada iyo Horumarinta Caafimaadka.

Madaxda ka socotey Hey’adda IMC, ayaa sidoo kale xustey in ay gacan ka geysan doonaan Barnaamijka xirmooyinka Caafimaadka maadaama Bulshadeena u baahan tahay adeeg Caafimaad oo buuxa si loo hello Barnaamijka xalka waara ee qeybta Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliyeed.

IMC ayaa qeyb ka ah hey’addaha taageera Mashaariicda Caafimaadka gaar ahaan dhinaca gargaarka Caafimaadka ee Goboladda Dalka, iyagoona xusey xoojinta howlaha ay ka hayaan qeybaha Caafimaadka dalka iyo in la dardargaliyo Mashaariicda cusub ee qorshuhu yahay in laga hirgaliyo dhamaan Gobolada Dalka.

Ka hor inta aan la soo gabagabeyn kulanka ayaa labada dhinac waxa ay isla garteen in dib loo cusboonaysiiyo heshiiska iskaashiga iyo sidoo kale in la xoojiyo adeegyada laga fulinaya deegaanada ay baahida Caafimaad ka jirto, iyo in loo gudbo meelaha ay adag tahay in lagaarsiiyo taageerada Barnaamijyada Caafimaad ee luugu talagaley dadka qaba baahiyaha Caafimaad.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ugu dambeyn Madaxda IMC kala hadley xoojinta Mashaariicda ay bixiyaan iyo in la dardar galiyo wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda si loo Horumariyo qeybta Caafimaadka Dalka iyo in ay ka qeyb qaataan gurmadka Caafimaad iyo kan nolaleed ee loo baahan yahay in la gaarsiiyo dadka.




 

 

Previous Post

Wasiirka Gaadiidka XFS Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Addis Ababa

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo waqti la qaatay rakaabkii saarnaa diyaaraddii uu ku safrayay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse oo waqti la qaatay rakaabkii saarnaa diyaaraddii uu ku safrayay

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In