Wasiirka Caddaaladda dalka Jabuuti mudane Cali Xasan Bahdoon ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Falastiin u fadhiya dalka Jabuuti danjire Ruweyd Abu Camshah.
Mudane Cali Xasan Bahdoon Wasiirka Caddaaladda Jabuuti ayaa safiirka la wadaagay sida dowladda Jabuuti uga xuntahay waxa ka socda magaalada Gaza, isagoo tilmaamay in dowladiisu qeyb wayn ka qaadan doonto u gurmashada dadka reer Gaza.
Wasiirka ayaa ka tacsiyeeyey dadkii ku shahiiday gumaadka Yahuudda ku heyso dadka reer Gaza.
Dhawaan Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa muujiyey sida dowladda Jabuuti ay u garabtaagan tahay shacabka dulman ee Falastiin.