Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka cadaaladda oo tababar aqoon kororsi dhanka luqadaha ah u furay askar ka tirsan ciidanka Asluubta

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka cadaaladda oo tababar aqoon kororsi dhanka luqadaha ah u furay askar ka tirsan ciidanka Asluubta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad lagu qabtay Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxaa ka qayb galay wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XF Soomaaliya iyo saraakiisha Ciidanka Asluubta iyadoo halkaas tababar aqoon kororsi ah oo la xiriira dhanka luqadaha uu ufuray wasiirku qaar ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Kooxda Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay suugaan ka turjumeysa wacyi galinta iyo dhiiri galinta askarta  taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Cabdi Kariin Cali Afrax ayaa ka hadlay tababarka iyo muhiimadiisa waxaana uu xusay In taliska ay ka go’antahay in la tayeeyo oo sare loo qaado aqoonta askarta.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

“Mudane Wasiir waxaan halkaan kuugu yeernay In aad noo furto tababar la xiriira dhanka luqadaha oo aan u qabaneyno dhalinyarada Jaamiciyiinta ah ee askarta ku soo biiray waxaan naga go’an in aan ka dhisno askarta dhan kasta sida wadaniyada iyo aqoonta intaba”ayuu yiri Taliye xigeenka.

Wasiirka Cadaaladda xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu furan yahay tababarka askarta isla markaana muhiim ay ciidanka u tahay in ay iska dhisaan dhanka luqadaha.

“Xukuumadu waxaa ay leedahay dhowr tubood waxaa ku jirta tubta Cadaaladda iyo amniga wacyi galinta ayaa tiir u ah Kooxda Onkod waa ku mahadsan yihiin suugaantii ay soo bandhigeen waa muhiim Luqadaha in askarta iska dhisaan waa muhiim waa loo baahan yahay si rasmi ah ayuu noogu furan yahay tababarka taliskuna waa ku mahadsan yahay sida uu ugu dadaalayo in dhanka aqoonta laga dhiso ciidanka” ayuu yiri Wasiirka.

 

 

Previous Post

Wasiirka Cadaadalada oo ka qeyb galay shirka Wasiiradda Arrimaha Gudaha Jaamacadda Carabta iyo qodobo kasoo baxay+Sawirro

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya Oo Billaawday Daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka “Sawirro”

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya Oo Billaawday Daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka “Sawirro”

Xukuumadda Soomaaliya Oo Billaawday Daadejinta Hawlaha Tubaha Qaranka “Sawirro”

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In