Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallim Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay shirka golaha cadaaladda ururka Jaamacadda Carabta ee maanta ka furmay magaalada Baqdaad ee Caasimadda dalka Ciraaq, ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in iskaashi Garsoor iyo Cadaaladeed ay la yeelato wadamada Jaamacadda Carabta.
Mudane Xasan Macallim oo dowladda Qiraaqย uga mahadceliyay martigelinta shirka ayaa qiray in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagantahay Qadiyadda Falastiin, ayna ka xuntahay Ciqaab wadareedka iyo barakicinta lagu hayo shacabka Gaza.
Wasiirka ayaa sidoo kale khudbadiisa ku sheegay guulaha waaweyn ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta, deegaanno badan oo laga xoreeyayna la gaarsiiyay adeegya garsoor iyo cadaaladeed, waxuuna dhammaan wadamada uga mahad celiyay taageeradooda buuxda ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.