Thursday, April 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ciyaaraha XFS Oo ka qeybgalay shir ay isugu yimaadeen Wasiirrada dhiggiisa ah oo ka dhacay Tripoli

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ciyaaraha XFS Oo ka qeybgalay shir ay isugu yimaadeen Wasiirrada dhiggiisa ah oo ka dhacay Tripoli
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xil. Maxamed Bare Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminaayo oo ay qeyb ka yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane. Cabdiraxiin Warsame Diiriye iyo La taliye Fahad Cali Xasan ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya kaga qeybgalay meertada 4aad ee shirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states (CEN-SAD member states).

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states ayaa looga dooday dhismaha Xarun Dhallinyaro (Youth Centre) oo caalami ah oo ay yeeshaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states, xaruntaas oo tababaro iyo xirfado u sameyn doonta Dhallinyarada ka soo jeeda dalalkaas.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Xil. Maxamed Bare Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed u leedahay dhismaha xarun dhallinyaro oo caalami ah taas oo sare u qaada aqoontooda iyo xirfadahooda iyo sida ay uga go’antahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya inay dhallinyarada Soomaaliyeed kaga faa’ideyso fursadaha caalamiga ah oo ay ugu horeyso xaruntaam dhallinyaro oo ay si wadajir ah u yeelanaayaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states.

Ugu dambeyn, Wasiirka, ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dowladda dalka Libya, sida quruxda badan oo ay u marti-galiyeen meertada 4aad ee shirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaqan-gelinayey Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee Soomaaliya |iyo Turkiga

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay Maareeynta Musiibooyinka oo lagu qabtay Adis-Ababa

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay Maareeynta Musiibooyinka oo lagu qabtay Adis-Ababa

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeyb-galay shir looga hadlayay Maareeynta Musiibooyinka oo lagu qabtay Adis-Ababa

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

April 2, 2026
0

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee (GANHRI), oo muddo saddex maalmood ah ka socday magaalada Geneva, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In