Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Waxbarashadda Waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdullaahi Abuukar Xaaji.
Mudane Xamse “Waxaan ugu mahadcelinayaa Wasiirkii hore ee xilka wareejiyey, isagoo tilmaamay in wasaaraddani ay tahay mid leh ahmiyad weyn, shaqo culusna laga sugayo in wasiirka cusub uu ka qabto horumarinta waxbarashadda dalka”. Ayuu yiri Mudane Xamse.