Munaasabaddaan oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen waxaa goob joog ka ahaa raiisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Xildhibaan Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay ,agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, Maxamed Cumar Maxamuud,iyo maamulka iyo shaqaalaha wasaaraddaasi.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay ,Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo xilkaasi wareejiayay,wuxuuna uu sheegay in waxbadan ay u qabsoomeen mudadii uu xafiiskaasi joogay ,isagoo xusey in ay horumariyeen mashaariic kaladuwan iyo heshiisyo caalami ah oo kamid ah dhoofinta Xoolaha Soomaaliya iyo in Suuq loo helo,maadaama wasaaraddu ay kamid tahay,wasaaradaha ugu muhiimsan Dalka.
Mudane Xildhibaan Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen Wasiirka cusub ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaq oo xilkaasi si rasmi ah ula wareegay
“Runtii wasaaradda Xanaalada Xoolaha waa wasaaradd aad u muhiimsan waad la socotaan marka laga soot ago daruufaha dalka kajira,marka waxaan balanqaadaynaa in aan halkiisa ka sii amba qaado horumarkii uu sameeyey wasiirkii hore”. Ayuu yiri Wasiir Xuseen Maxamuud.
Raiiusl wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed Qadar ayaa ammaanay waxqabadka wasiirkii hore mudadii uu joogay,isagoo dhanka kale bogaadiyay wasiirka cusub in uu dardargeliyo howlaha horyaala,wuxuuna raiiusl wasaare kuxigeenka Dalka uu xuseyn in wasaaraddu ay kamid tahay wasaaradaha ugu muhiimsan wax soo saarka dalka,isagoona rajo ka muujiyay in wasiirka cusub uu ku guuleysto howsha loo igmaday.