Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dastuurka oo guddoomiyay shir u dhaxeeyay UN-ka iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dastuurka oo guddoomiyay shir u dhaxeeyay UN-ka iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha Xukuumadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir u dhaxeeyay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Amniga, Cadaladda, Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo qaar kamid ah hay’adaha UNka ayaa maanta waxa uu ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS.

Shirka oo uu gudoominayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa looga dooday dhameeystirka dastuurka iyo sidii xal-looga gaari lahaa qodobada masiiriga ah ee u baahan in wada-xaajood siyaasadeed laga gaaro.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa waxaa uu ka qaybgalayaasha shirka u sameeyay soo jeedin ku saabsan qorshaha guud ee Wasaaradda ee ku aadan dhameeystirka dastuurka bartamaha sanadkan 2020ka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka iyada oo loo marayo hannaan wadatashi ah.

“Waxaa naga go’an dhameeystirka dastuurka inaga oo kaashaneyna wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa gobolada ee ay quseeyaan inay soo dharaadhiriyaan qodobada dastuurka ee u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro, sanadkan waxa aan dooneynaa inaga dowaladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo wadajira inaan dastuurka qabyo tirno” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu danbeyn waxaa shirka ka hadlay agaasimayaasha guud ee Wasaaradihii ka soo qaybgalay shirka iyo masuuliyiin ka socday UNka iyaga oo sheegay inay Wasaaradda Dastuurka kala shaqayn doonaan fulinta qorshaha u degsan sanadkan..

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Daah-furay Mashuuca Maal-gelinta Dhallinyarada Soomaaliyeed Oo Ay Ku Bexeyso US$1.6Milyan+Sawirro

Next Post

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda oo booqday Xarunta Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Kampala+Sawirro

Next Post
Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda oo booqday  Xarunta Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Kampala+Sawirro

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo howlo shaqo u jooga dalka Uganda oo booqday Xarunta Safaaradda J. F. Soomaaliya ee Kampala+Sawirro

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In