Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeybgalay xafladda lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Ururka Himilo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeybgalay xafladda lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Ururka Himilo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayna ka qeybhaleen Ururada Haweenka, Dhallinyarada, Midowga Jaamacadaha, Wasiirka Dhallinyarada iyo Xildhibaanno oo lagu xusaayey Aas aaskii Ururka Himilo oo ka mid ah Ururada ka howlgala Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa xafladda furey Guddoomiyaha Ururka Mudane Asad Maxamed Maxamud (Asad Dheere) oo soo dhaweyn u sameyey dhamaan dadka ka soo qeybgalay xafladda ayaa faah faahin ka bixiyey Ururka iyo sababaha loo aas aasey wuxuuna Sheegay ”Waxaa aas aasey Ururkan Himilo dhallinyaro aqoonyahanno ah oo kasoo laabtey Dalka dibadiisa oo wax kusoo bartey hadafkooduna yahay sidii ay u horumarin lahaayeen bulshada Soomaliyeed gaar ahaan bahda dhallinyarada iyo sidii wax loogu badali lahaa”.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Xadladda intii ay socotay ayaa ka qeybgalayaasha waxaa loo soo bandhigay Waxqabadka Ururka Himilo muddadii sanadka aheyd uu jiray, waxayna si weyn ula dhaceen wax qabadka Ururka oo ay ku tilmaameen in ay qabteen howl muhiim ah oo Bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay xafladda intii ay socotay, iyadoo kooxda fanka Ururka ay soo jeediyeen Heeso Waddani ah, dhaanto iyo Cayaarta Saylici, taasi oo soo jiidatay ka soo qeybgalayaashii xafladda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo ka hadlay xafladda sanad guuradda Ururka Himilo ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka soo qeybgalka xaflada,

”Wasaaradda waxa ay soo dhaweyneysaa Ururada sidaan oo kale u shaqeeya, waxaan ku howlanahay sidii loo sameynlahaa siyaasadda lagu dhaqayo dhallinyarada, waxaa horumarin ku sameyn doonaa cayaaraha dalka si looga baxo dhibaatooyinka ku xeeran, waxaan markale soo dhaweynayaa sanad guuradda Ururka Himilo, waxaana u rajeynayaa in uu wax badan u qabto shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Wasiir Nuux.

Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyey qaar ka tirsan Ururka Himilo oo sameeyey dadaal iyo howlkarnimo sanadkii la soo dhaafay.

11120570_10204169115892194_228730171_n 11121118_10204169116332205_1165307933_n 11121160_10204169111052073_1797051072_n 11121909_10204169099931795_1534952543_n 11132131_10204169133692639_772477700_n 11156843_10204169100411807_375176112_n 11156955_10204169114332155_584117428_n 11158023_10204169113452133_1876092878_n 11160507_10204169108332005_134705838_n 11165882_10204169118892269_1905456712_n 11173440_10204169132172601_877126656_n 11178467_10204169103931895_1948712167_n(1)

Cabdiraxmaan Black 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Next Post
Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In