Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeybgalay xafladda lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Ururka Himilo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada oo ka qeybgalay xafladda lagu xusayay sanad guurada 1aad ee Ururka Himilo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayna ka qeybhaleen Ururada Haweenka, Dhallinyarada, Midowga Jaamacadaha, Wasiirka Dhallinyarada iyo Xildhibaanno oo lagu xusaayey Aas aaskii Ururka Himilo oo ka mid ah Ururada ka howlgala Dalka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn waxaa xafladda furey Guddoomiyaha Ururka Mudane Asad Maxamed Maxamud (Asad Dheere) oo soo dhaweyn u sameyey dhamaan dadka ka soo qeybgalay xafladda ayaa faah faahin ka bixiyey Ururka iyo sababaha loo aas aasey wuxuuna Sheegay ”Waxaa aas aasey Ururkan Himilo dhallinyaro aqoonyahanno ah oo kasoo laabtey Dalka dibadiisa oo wax kusoo bartey hadafkooduna yahay sidii ay u horumarin lahaayeen bulshada Soomaliyeed gaar ahaan bahda dhallinyarada iyo sidii wax loogu badali lahaa”.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Xadladda intii ay socotay ayaa ka qeybgalayaasha waxaa loo soo bandhigay Waxqabadka Ururka Himilo muddadii sanadka aheyd uu jiray, waxayna si weyn ula dhaceen wax qabadka Ururka oo ay ku tilmaameen in ay qabteen howl muhiim ah oo Bulshada ku nool magaalada Muqdisho.

Cayaaraha Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay xafladda intii ay socotay, iyadoo kooxda fanka Ururka ay soo jeediyeen Heeso Waddani ah, dhaanto iyo Cayaarta Saylici, taasi oo soo jiidatay ka soo qeybgalayaashii xafladda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo ka hadlay xafladda sanad guuradda Ururka Himilo ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay ka soo qeybgalka xaflada,

”Wasaaradda waxa ay soo dhaweyneysaa Ururada sidaan oo kale u shaqeeya, waxaan ku howlanahay sidii loo sameynlahaa siyaasadda lagu dhaqayo dhallinyarada, waxaa horumarin ku sameyn doonaa cayaaraha dalka si looga baxo dhibaatooyinka ku xeeran, waxaan markale soo dhaweynayaa sanad guuradda Ururka Himilo, waxaana u rajeynayaa in uu wax badan u qabto shacabka Soomaaliyeed”. ayuu yiri Wasiir Nuux.

Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyey qaar ka tirsan Ururka Himilo oo sameeyey dadaal iyo howlkarnimo sanadkii la soo dhaafay.

11120570_10204169115892194_228730171_n 11121118_10204169116332205_1165307933_n 11121160_10204169111052073_1797051072_n 11121909_10204169099931795_1534952543_n 11132131_10204169133692639_772477700_n 11156843_10204169100411807_375176112_n 11156955_10204169114332155_584117428_n 11158023_10204169113452133_1876092878_n 11160507_10204169108332005_134705838_n 11165882_10204169118892269_1905456712_n 11173440_10204169132172601_877126656_n 11178467_10204169103931895_1948712167_n(1)

Cabdiraxmaan Black 

 

Previous Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Next Post
Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Dhageyso: AMISOM oo ka hadashay weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan gaadiidkooda

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In