Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Dhallinyarada oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Radio Muqdisho iyo SNTV

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Dhallinyarada oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Radio Muqdisho iyo SNTV
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka dhallinyarada iyo Isbootiga ee Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka hadlay munaasabad lagu abaalmarinayay dhallinyaro tababbar loogu soo xiray Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso dhallinta Soomaaliyeed.

Wasiir Khadiijo ayaa tiri “Wasaaradda dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay xoogga saareysaa hirgelinta siyaasadda Qaran ee dhallinyarada, iyadoo laga wada tali gelinayo dhamaan bulshada intooda muhiimka ah”.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026

Wasiir Khadiijo ayaa shaacisay in dhawaan ay bilaabeyanaan diyaarinta siyaasadda isboortiga Qaranka,

“Waxaan horey u balan qaaday urur kasta oo ka shaqeynaya danaha arrimaha dhallinyarada inaan lacag laga qaadin marka la diiwaan gelinayo, waxaana ku guuleysanay inaan si lacag la’aan ah lagu diiwaan geliyo 75 urur iyo 5 urur Jaamacadeed.

“Tababbarka caawa aan soo xireyo waxa uu furmay 12-ka bishi October, kaasi oo socday muddo bil ah, waxaana caawa u fadhinaa inaan abaalmarinayo 765 ka mid ah dhallinyarada nasiibka u yeeshay in ay ka qeyb qaataan tababbarka”ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Sidoo kale intii ay socotay munaasabadda waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay Agaasimaha Radio Muqdisho Mudane Cabdifatax Daahir Jeyte oo ku muteystay wada shaqeynta kaalinta uu Raadiyaha ka qaatay wacyigelinta dhallinta Sooamaliyeed iyo la shaqeynta Wasaaradda dhallinyarada.

Si taa la mid ah Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed waxaa la guddoonsiiyay shahaado sharaf oo uu u qaaday Mudane Fu’aad Muxudiin oo ka mid ah howlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta kuwooda ugu howlkarsan, isla marakaana suurta geliyay in barnaamijyada intooda badan ay ku baxaan tebin toos ah.

“30 -ka bishan Muqdisho waxaa ka furmaya shirweyne Qaran oo looga hadlayo arrimaha dhallinyarada, iyadoo ay ka qeyb geli doonaan dhallinyarada Soomaaliyeed” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa sheegay in dhallinyarada ay door weyn ka qaateen horumark dalka, gaar ahaan u gurmashada dadkii wax ku noqday qaraxii 14-ka October ka dhacay Muqdisho.

“Waxaa jirta qaswadayaal diidan in wadankan uu horumar gaaro, runtiina kuwaasi waa argagixisada Al-Shabaab, marka waxaa la idinka rabaa inaad doorkiina ka qaadataan sidii dalka oo dhan looga xoreyn lahaa argagixisada Al-Shabaab”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa xusay in Xukuumadda ay xoogga saareyso sidii dalka looga hirgelin lahaa nidaamka axsaabta, isla markaana dib  u eegis lagu sameynayo qabyo qoraalka Dastuurka dalka, si dalka loo gaarsiiyo hal qof iyo hal cod.

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo kulamo la qaatay Qaar ka mid ah Hay’addaha Caalamiga Ah ee ka hawlgala Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

Next Post
Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

Soomaaliya oo ka qeybgalaysa tartan ka furmaya Tunisiya

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐢𝐢𝐬𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In