Friday, November 28, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka dhallinyarada Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada dhallinyarada ee Jaamacadda Carabta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka dhallinyarada Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada dhallinyarada ee Jaamacadda Carabta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay shirka 46-aad ee Wasiirada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Wasiir Maxamed Barre ayaa shirka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha dhallinyarada Soomaaliyeed, isaga oo muujiyay in raasumaalka ugu muhiimsan ee dalkiisu ku tashanayo uu yahay xoogga usoo kacayo oo ah inta badan Mujtamaca Soomaaliyeed 75%, wuxuuna si gooni ah u tilmaamay marxaladdan kala guurka ah ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay marayaan iyadoo inta badan gobollada dalka iyo degmooyinkiisa laga xoreeyay cadowga Al-Shabaab oo awal ahaa caqabada ugu badan ee dhallinyarada Soomaaliyeed ka hor-taagan horumar inay sameeyaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025

Mudane Maxamed Barre Maxamuud ayaa khudbaddiisa ugu mahadceliyay Wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya Amiir Abdulaziz Bin Turki Al-Faysal oo shirkan marti geliyay iyo wasiir Dr Ashraf Subxi Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Jamhuuriyadda Masar oo madax ka ah golaha fulinta wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha ee Jaamacadda Carabta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo xubno ka tirsan la-taliyayaasha Wasiirka ayaa ku weheliyay furitaanka shirkan Wasiir Maxamed Barre Maxamuud.



Previous Post

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo furay tababar ku saabsan baarista iyo dambiyada ka dhaca Xeebaha

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Garoowe “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo booqday qaar ka mid ah Isbitaalada Garoowe "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray shirweynaha 3aad ee Culimada

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo xiray shirweynaha seddaxaad ee...

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

Wasiirka Qoyska XFS oo daah-furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka

November 27, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay...

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

Wasiirka Dekadaha XFS oo shir doceed la qaatay Xoghayaha Guud ee Hay’adda IMO

November 27, 2025
0

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In