Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka difaaca “Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamada XDS si cadowga looga guuleysto” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka difaaca “Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamada XDS si cadowga looga guuleysto” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, July 15, 2015…Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta kormeer ku tagey xarumo dhowr ah oo leeyihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana uu halkaas kula hadlay  Ciidankii joogay, iyadoo uu kormeerka ku wehliyey Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sareeyo Gaas Daahir Aaden Cilmi iyo xubno ka socday Madaxtooyada dalka.

Wasiirka ayaa booqday xarunta tababarka Ciidanka ee Jazeera, halkaas oo dhoolatus millatari ay ka wadeen ciidamada Xoogga, waxana uu   ku amaanay qaabka ay tababarka u qaadanayaan, isagoo kula dar daarmay ciidanka ka tirsan kumaandooska Qaranka in awoodooda ay ku difaacaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.Sidoo kale, Wasiirka ayaa tababar u furay boqol askari oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026

Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa u sheegay ciidanka kumaandooska ee maanta dhoolatuska sameeyay iyo kuwa uu tababarka u furay intaba inay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta ay ku dhex leeyihin dalkooda iyo dadkooda , isagoo uga digay isticmaalka mukhaadaraadka oo uu qaadka ugu horeeyo.

“Waxaad na tusteen muhiimadda iyo sharafta ciidanku leeyahay, bulshada Soomaaliyeed waxay sugayaan wa idinka iyo dadka idin lamid ka ah, duruusta aad barateen waxaa la doonayaa inaad uga faaiideysaan ummada Soomaaliyeed si dalka looga xoreeyo cadowga kusoo duulay”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga oo intaas ku daray.

“Waxaan xoojin doonaa tayada iyo tababarka Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, si cadowga looga guuleysto, hadda waxaa dhisme ku socdaa xarumo badan oo leeyihiin ciidanka Xoogga si loo gaaro hadafka fog iyo mid dhexe ee lagu doonayo horumarinta qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan dhismaha ciidanka oo muhim u ah soo kabashada dalkeena”.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa booqday Xarunta Akeedeemiyada Saraakiisha oo dhismaheedu ka soconayo deegaanka Jazeera, waxana uu halkaas warbixin uga dhigeystay masuuliyiinta gacanta ku haya dhismaha xerada.

—-DHAMMAAD—-

11720693_1469564196674498_268781187_n 11751166_1469564006674517_974615654_n 11753822_1469564016674516_962255047_n 11758796_1469563680007883_885200074_n 11758873_1469563213341263_1779814531_n 11758959_1469563763341208_2050704200_n

vlcsnap-2015-07-15-17h17m28s74  vlcsnap-2015-07-15-17h18m04s167 vlcsnap-2015-07-15-17h18m33s198 vlcsnap-2015-07-15-17h18m59s213  vlcsnap-2015-07-15-17h19m31s235 vlcsnap-2015-07-15-17h19m40s100

Previous Post

Ramadaanka iyo daadinta dhiigga muslimiinta- DHAGAYSO

Next Post

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhurnimo ee Radio Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐀𝐤𝐚𝐝𝐞𝐞𝐦𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧

September 9, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In