Sunday, September 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday saraakiil Imaaraadka ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo cambaareeyay weerarkii maanta lagu qaaday saraakiil Imaaraadka ah “SAWIRRO”

User comments

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 24, 2015….Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii argagaxisanimo ee maanta lagu qaaday kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil Imaaraadka ah oo tababara Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. Weerarkaasi fulaynimada ah oo ay ku dhinteen dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka Dawladda, ayaa Wasiirku ku tilmaamay mid naf la caari ah oo kooxaha UGUS ku laayeen dad muslimiin ah oo sooman.

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, waxa uu wacad ku maray in kooxaha argagaxisada ah ee falalka gurracan ka wada dalka laga qaadi doono tallaabo adag oo looga sifaynayo dalka, waxaana uu intaa ku daray in la bilaabi doono guluf iyo hawlgalo ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha kooxahaasi kaga harsan yihiin dalka Soomaaliya si aysan shacabka Soomaaliyeed iyo Dawladoodu mar kale dhibbane ugu noqon weerarada kooxahan qaba aragtida ciriiriga ah

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

September 6, 2026

Wasiir Diini oo booqasho ku tegay goobta uu qaraxu ka dhacay, ayaa ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo inta dhawaaca ahna u rajeeyey inay si degdeg ah u bogsoodaan. Wasiirka oo xaruntooda booqasho ugu tegay saraakiisha Imaaraadka ah ee lala damacsanaa weerarkan, ayaa sheegay in weeraradan oo kale aysan baqdin gelin doonin Dawladda Soomaaliya iyo dadalka walaalaha ah ee taageeraya dalka xilligan adag ee hiil iyo is barbartaag uu u baahan yahay.

Wasiir Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo weerarka ka hadlaya waxa uu yiri: “Maanta waxay kooxaha argagaxisadu weerareen kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil tababarayaal Imaaraad ah oo gacansiiya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya. Weerarkaasi lagama gaarin wax ujeeddo ah aan ka ahayn in meesha ay ku dhinteen askar geesiyaal ah oo Soomaaliyeed iyo shacabka goobta ka ag dhowaa”.

“Weerarada kooxaha sharka iyo argagaxisadu Soomaaliya iyo saaxiibadeeda ka weecinayaan tubta horumarka iyo dib-u-dhiska, waana laga guulaysan doonaa kooxahaasi xilliyada soo socda ee dhow, iyadoo dhowaan la bilaabi doono hawlgallo looga sifaynayo meelaha ay kaga harsan yihiin dalka. Kooxdan, waxay mar kale caddaysay in aysan ku abtirsan oo sal ku lahayn diinta Islaamka, waxayna bil Ramadaan oo dadku sooman yahay ay dalka ku daadinayaan dhiig dad Muslimiin ah oo Soomaan”.

“Tacsi ayaan u dirayaa ciidankii geesiyaasha ah ee ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliya ee weerarkaasi ku dhintay, waxaana sidoo kale tacsi u dirayaa intii shacab ahayd ee aan waxba galabsan ee ku dhintay weerarkaasi fulaynimada ah.

DHAMMAAD

User comments

User comments

User comments

User comments

Previous Post

Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii maanta ka dhacay Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha, S/Guuto Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa booqasho ku tagay Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war kasoo saartay hawlgal lagu dilay horjoogayaal Khawaarij ah

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgal qorshaysan oo 4-tii Sebtembar 2026 ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Badqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo saartay xeerka dhaqan-gelinta iyo habraaca KMG ah ee hay’adaha dhaqanka iyo farshaxanka dalka

September 6, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dhaqan-gelinta Xeer Wasiir Lr. 0001/26 iyo Habraaca Kumeelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka Dalka. Ku:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In