Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca oo kormeer howleed ku tagey Xarunta Ciidanka Badda Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca oo kormeer howleed ku tagey Xarunta Ciidanka Badda Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, Aprili 21, 2015….Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, oo uu weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Difaaca Mudane Cabdalla Xuseen Cali, ayaa maanta kormeer howleed ku tagey xarunta ciidanka Badda Soomaaliya, taas oo ku taala Dekaddii hore ee Muqdisho, isagoona kormeray qalabka iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan Ciidanka Badda.

Wasiirka ayaa ugu horeyn booqday doomo ay leeyihiin Ciidanka Badda, kuwaas oo dhawaan la filayo in ay door ka qaadan doonaan sugidda ammaanka xeebaha Soomaaliya.Taliyaha Ciidanka Badda Dowladda Federaalka Admiral Maadey Nuurey Sheekh Ufurow, ayaa warbixin ka siiyey Wasiirka doomaha iyo sida ay u shaqeeyaan, isagoo xusay in ay mar dhow bilaabi doonaan shaqooyinkii loogu talagalay.

Related posts

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay sanadihii ugu danbeeyay Ciidanka Baddu in ay sameynayeen horumar, hadana loo baahan yahay in kor loo qaado tirada iyo tayada ciidamadda Badda, si ay ciidanku u noqdaan kuwa ay u dhameystiran yihiin adegyadii guud ee ku howl galayeen.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa boggaadiyey horumarka ay sameeyeen Ciidanka baddu, isagoo xusay in Wasaaraddu ay door muuqda ka qaadan doonto horumarinta ciidamadda Badda Soomaaliya oo kamid ah ciidamadda laf-dhabarta qaranka ah.

“Waxaan boggaadinayaa horumarka ay sameynayaan ciidamadda Baddu, runtii meel hoose ayaa laga soo bilaabay shaqada, maanta waxaa la isticmaalaya doomaha dheeraya oo ku rabin yahay qalab casri ah, taasi waxay marqaati cad u tahay sida ay nooga go’an tahay inaan gaarno Soomaaliya leh awood ciidan, gaar ahaan Ciidanka Badda oo iyagu kamid ah kuwa ugu muhiimsan qaranka” ayuu yiri Wasiirka Difaaca.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa  xusay in mar walba lagu gaari karo yoolka la higsanayo marka la muujiyo isku tashi, isagoo tilmaamay in ciidamada badda ay door firfircoon ka qaadan jireen dedaallada lagu xaqiijinayo ammaanka badaha dalka oo dhan, isla markaana dadka Soomaaliyeed laga doonayo in aysan cid kale ka sugin in loo dhiso dalkooda ee iyaga looga baahan yahay hormuud in ay ka noqdaan dhismaha qaranka.

—DHAMMAAD—–

IMG_1269 IMG_1279 IMG_1294 IMG_1306 IMG_1330 IMG_1342 IMG_1357 IMG_1359 IMG_1365 IMG_1389 IMG_1400 IMG_1439 IMG_1454 IMG_1461 IMG_1539 IMG_1543 IMG_1571

Previous Post

Ururrada bulshada rayidka oo ka hadlay doorka uga aadan hiigsiga cusub (Sawirro)

Next Post

Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

Next Post
Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

Madaxweyne Xasan: Ururka ISIL waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In