Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ย Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed, ayaa maanta kulan la qaatay Safiirkaย Dawladdaย Imaaraadkaย Carabta u fadhiya dalkeena Soomaaliya Danjire Maxamed Cismaan, waxana ayย kaย wada ย hadleen arrimo badan oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo sidoo kale taageerada ay dowladda Imaaraadkaย Carabtu siinayaanย Ciidamada Dawladda Soomaaliya.
Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa tilmaamay in Danjire Maxamed Cismaan ay isla soo qaadeen ย sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dal, isagoo xusay in dowladda Imaaraadku ay balan-qaaday sii xoojinta tababbarka iyo tayaynta ciidamadda qalabka-sida. Mudane Diini ayaa mahad celin u jeediyay Dawladda iyo Shacabkaย Imaaraadkaย Carabta sida walaaltinimada leh ee ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa uga mahad celiyey Safiirka taageeradooda ku aaddan Ciidanka Xoogga dalka, wuxuna dhinaca kale sheegay in mar walba ย ay ka goโan tahay ย sii xoojinta cilaaqaadka labada dalka.
โWaxaan wadahadal dheer oo wax ku ool ah la yeelanay Danjiraha Dawladdaย Imaaraadkaย u fadhiya Soomaaliya oo aanย ka wada-hadalnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa mashaariicdaย Imaaraadkaย ee Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska Ciidamada Xoogga Dalkaโ. ayuu yiri Jeneraal Maxamed Aaden.
Sidoo kale Safiirka Dowaladaย Imaaraadkaย Carabta ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in ay kordhin doonan taageerada Soomaaliya ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasadda iyo mashaariicda horumarineed intaba.















