Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca XFS oo Baydhabo ka furay xarun tababar ciidan

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed (Amardambe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa furey xarun cusub oo loogu talaalay in lagu tababaro ciidanka.

Munaasabadda Waxaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo Richard Moore oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan xafiiska siyaasadda arrimaha Dibadda,waxaana maalgelinaya xaruntani dowladda Ingiriiska.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Xaruntan tababarada ciidamada oo laga hirgeliyaya magaaladaasi baydhabo ayaa halkii mar lagu tababarikaraa ilaa 120 askari,taasi oo kordhinaysa tayada tababarada ciidamadaasi.

Saraakiisha Militari ee ka socota dalka Britain ayaa ka qeyb qaadanayay tababarada ciidanka Soomaaliyeed ilaa 2017,waxaana ay siinayeen tababaro la xiriira dhinacyada caafimaadka,hoggaanka,ilaalinta agabka,farsamada iyo xuquuqda aadanaha.

Danhiraja Dowladda Britain ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabadaasi furitaanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Biraitain ay diyaar u tahay sidii ay u garab istaagi lahayd ciidanka Soomaaliyeed,isagoo xusay in ay kamid yihiin dowladaha ugu badan ee taageera Soomaaliya.

Mudane Xasan Cali Maxamed Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa uga mahadceliyaya dowladda Ingiriiska isgarab taageeda Soomaaliya,wuxuuna xusay in amniga uu yahay mid muhiim ah,isagoo soo hadal qaaday gulufka lagula jiro maleeshiyada Alshabaab.

Previous Post

Madaxweynaha dowlad Gobaleedka Galmudug oo Xilkii ka qaadey Gudoomiyahii Gobalka mudug, isagoona Maamul cusub u magacaabey Gobalkaasi.

Next Post

Ciidamada Jabuuti oo Alshabaab ku laayay duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Ciidamada Jabuuti oo Alshabaab ku laayay duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In