Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Difaaca XFS oo tababar u soo xiray Ciidan ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya+Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Difaaca XFS oo tababar u soo xiray Ciidan ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Tababarkaan oo mudo 90-cisho ah socday ayaa Ciidanka ka faa’ideystay oo gaarayay 130-askari,waxaana inta uu socday lagu barayay tababar la xiriira howlaha Waajibaadkooda ciidanimo iyo siday uga soo dhalaali karaan howlaha loo igmaday.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Goobta tababarka loogu soo xirayay Ciidamada ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Taliyaha Ciidamada Ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya Gaashaanle sare Cali Maxamed Ali afcadey,Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal C/llaahi Cali Caanood iyo Saraakiil ciidan,kuwaasi oo dhamaantood ciidanka tababarka dhameystay ku amaanay dhabarka adeega ay muujiyeen mudada uu socday.

Ugu horeyn ayaa goobta waxaa ka hadlay Taliyaha Ciidamada Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyada Gaashaanle Sare Cali Maxamed Ali Afcadey,wuxuuna askarta tababarka dhameystay ku amaanay dadaalka ay muujiyeen mudadii uu tababarka socday.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal C/llaahi Cali Caanood oo madasha ka hadlay ayaa Yiri” Waxaa naga go’an xoojinta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga dalka,Ururka Ciidanka ilaalada madaxtooyada waxaan gaarsiin doonaa heer aad u sareeya si ay madaxda Qaranka amaankooda u sugaan”.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo soo xiray Tababarka ayaa bogaadiyay dhabarka adeega Ciidanka ay muujiyeen mudada tababarka uu socday,isagoona tababar kale goobta uga furay Ciidan kale oo ka tirsan Ururkaasi.

Ururka 60-aad ee Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ah Ciidan gaar u ah ilaalinta madaxtooyada iyo madaxda Qaranka ayaa lagu xusuustaa doorka ay ka qaateen socdaalkii Nabada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku tagay Maamulada Puntland iyo Galmudug,kuwaasi oo si weyn u sugayay amaanka Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxame C/llaahi Farmaajo.

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare oo xukumadda ku booriyay in la hirgaliyo Shan Xarumood oo muhiim ah

Next Post

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka ku nool Deegaanada Hirshabeelle

Next Post
Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka ku nool Deegaanada Hirshabeelle

Madaxweyne Waare oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo Dadka ku nool Deegaanada Hirshabeelle

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In