Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Diinta ee Hirshabeelle “Waxaan fulineynaa baaqii Madaxweynaha ee ahaa in beri la dukado salaad roob ah” Dhageyso

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Garsoorka, Cadaalladda iyo Diinta ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan “Kheyraat” ayaa sheegay in iyaga oo fulinaya baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa ay bulshada ku nool deegaannada Hirshabeelle ka dalbadeen in maalinta berito ah ay sameeyaan isu soo bax roob doon ah.

Mudane Cabdiqaadir Cismaan Cabdisalaan Kheyraat oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble uu amar ku bixiyay in berito laga qeyb qaato salaadda Roob doonka ah,  wuxuuna u xilsaaray Wasaaradda Cadaaladda iyo Arirmaha Diinta iney suuro galiso arrintaas, waxaana uu Wasiir Cabdiqaadir oo mas’uuliyadaas gudanaya uu xusay in dhankooda ay diyaar u yihiin in bulshada lagu wacyigeliyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen salaad roob ah oo laga oogayo dhammaan deegaannada Maamulka Hirshabeelle, isla markaana uu goor hore ku wargeliyay shacabka Hirshabeelle ku dhaqan.

“Waxaan fulineynaa baaqii Madaxweynaha Soomaaliya iyo guddiga culimada haddii aan nahay dowlad goboleedka Hirshabeelle ee qeybta ka ah dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana maanta ka shaqeyney sidii bulshada kunool deegaannada Hirshabeelle ay isugu soo baxaan oo aan tukunno salaad roob ah, waxaan dhamaan dadweynaha Hirshabeelle gaarsiineynaa inay arrintaasi nala qaataan,” ayuu yiri Wasiir Cabdiqaadir Kheyraat oo hadalkiisa ku daray “Waxaan kaloo baaq u direynaa baaq culimada, ganacsatada iyo ardayda in berito ay ka wada qeyb qaataan salaadda roobdoonka ah si Alle uu nooga dulqaado dhibaatada ka dhalatay abaarta.

Halkan ka dhageyso wareysiga Wasiirka Garsoorka.

http://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2017/03/Wasiirka-diinta-iyo-Cadaaladda-ee-Hirshabeelle.mp3

 

Previous Post

Ra’iisal Wasaare Kheyre oo cambaareeyey qaraxyada ka dhacay Muqdisho

Next Post

Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Abaaraha iyo in la oogo salaad roob doon ah “Dhageyso”

Next Post
Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Barnaamij gaar ah oo ku saabsan Abaaraha iyo in la oogo salaad roob doon ah "Dhageyso"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In