Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Diinta XFS oo sheegay in isbeddal uu ku yimid diyaargarowga xajka ee sanadka 1445-2024

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Diinta XFS oo sheegay in isbeddal uu ku yimid diyaargarowga xajka ee sanadka 1445-2024
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Iyo Diinta ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo goordhow shir jiraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa uga hadlay diyaargarowga xajka sanadka 1445-2024.

Wasiirka Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay isbeddal ku sameysay u diyaargaroow xajka ee sanadkan 1445-2024, taasi ay keentay in Wasaaradda Awqaafta Iyo Diinta ay ku wargaliso Ummadda Soomaaliyeed isbedalka sanadkan lagu sameeyay diyaargorowga Xajka.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Wasiirka ayaa shirkiisa Saxaafadeed ku bayaamiyay isbedalka lagu sameeyay sanadkan Xajka, asaga oo sheegay in dowladda Sacuudi Carabiya ay ku wargalisay dowladaha oo dhan wax ka bedalka ku yimid diyaargaroowga, iyada oo laga soo horumariyay waqtigii horrey loogu diyaar garoobi jiray.

“Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa nala wadaagtay in bilawga sanadkan Hijriga uu bilaabanayo diyaargaroowga Xajka, dowlad walba waxaa lala wadaagay tirada xujeey loo qoondeeyay sanadkan inay u xajiyaan” ayuu yiri Wasiir Roobow.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Iyo Diinta XFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in Wasaaradda Awqaafta Iyo Diintu ay bilaawday howlihii laga rabay, qaar kamid ahna haatan la qabtay, inta kalenna ay tahay in la dhammeeyo waqtiga loogu talagalay

Wasiirka Muykhtaar ayaa yiri “ Isbeddalka la sameeyay ayaa taabanayaa dhowr meelood sida tirada xujay ee wadan walba loo asteeyay, in la soo gudbiyo shirkadaha ku guuleystay sanadkan inay qaadan xujeyda iyo dhammaan diyaarinta safarka Xujeyda iyo sharuudaha laga rabo, wasaaradduna hadda waxaa ay wada diyaargaroowgaas”.

Soomaaliya ayaa sanadkaan la siiyay 11, 500 oo xujey, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa sheegay inay codsadeen in tirada xujeyda loo badiyo, ayna sugayaan jawaab wanagsan. “Bixinta Visaha Xajka waxaa ay bilaabaneysaa 20-ka Bisha Shacbaan, waxeyna ku egtahay 20-ka Shawaal qofkii aan muddadaas qaadan ma Xajin doono‘’. Ayuu yiri Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow

 

Previous Post

Agaasimaha Xafiiska Duqa Muqdisho oo la kulmay muwaadiniin Xaalad Caafimaad loo geeyay Hindiya

Next Post

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar

Next Post
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Qoondada Miisaaniyadda sanadka 2024-ka oo ka badan Hal Bilyan oo Dollar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In