Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya . Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta kulan la qaadatay maamulka shirkadda FAVORI LLC .
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa wax laga waydiiyay maamulka shirkadda adeegyada ay ka qabtaan garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ay ugu horreeyaan horumarinta, dayactirka, ballaarinta garoonka, sharciyada hannaanka shaqo ee shirkadaha ka dhex shaqeeya garoonka iyo isla-xisaabtan ku aaddan heshiiska ay shirkaddu kula jirto Dawladda Soomaaliya oo la waafajiyo shuruucda Dalka iyo dib u eegistiisa
Maareeyaha Duulista Hawada , ku-xigeennadiisa , maareeyaha garoonka Aadan Cadde iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista ayaa goobjoog u ahaa kulanka.