Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaadiidka “Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” SAWIRRO

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaadiidka “Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegtay in gaari aan buuxinin xeerka ku dhaqanka sharciga Gaadiidka dhulka uusan ka howlgali karin gudaha magaalada Muqdisho

 

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Mashruucaan tijaabada badqabka  Gaadiidka dhulka ayaa loogu talagalay in looga hortago dhibaatooyinka shilalka Gaadiidka si loo yareeyo qasaaraha ku yimaado hantida iyo nafta Dadka Soomaaliyeed, taasi oo ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ay ugu gogol xaareyso ku dhaqanka xeerka Sharciga gadiidka dhulka.

Gadiidka ayaa isugu jira Gawaarida xamuulka ee ka shaqeeya gudaha Magaalada iyo kuwa yar yar, waxaana meel la isla dhigay in ay laga maarmaan tahay hubinta tayada gaadiidka iyo in ay u dhameystiranyihiin sharciyada looga baahnayahay sida uu sheegay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gadiidka Mudane, Cali Gacal Gaaboow.

Maxameed Kulmiye Axmed waa Qabiir ku xeeldheer Gadiidka iyo dhulka waxaa uu ka hadlay sida ku haboon ee looga hortagi karo ciladaha ku yimaada gawaarida isla markaana loo baahanyahay in tijaabo la mariyo gadiidka ka howlgala gudaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Omaar)  ayaa sheegay in laga bilaabo maanta Gaadiidka ay mari doonaan tijaabo, si loo dhaqan geliyana  loo bahanyahay in ay u hogaansamaan sharciga.

“Gaari aan buuxinin xeerka ku dhaanka sharciga gaadiidka dhulka kama howlgeli doono Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

Waxaa kaloo Wasaaraddu sheegtay  in tababaro loo qaban doono shaqaalaha Guddiga Gaadiileyda iyo Ciidamada Nabad gelyada Wadooyinka si loo ilaaliya nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Shirweynaha Qaran ee Dhalinyarada oo Muqdisho ka furmay

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha iyo Taliska Booliiska “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha iyo Taliska Booliiska “SAWIRRO”

Ra'iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradda Dekadaha iyo Taliska Booliiska "SAWIRRO"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In