Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka X.D.S oo booqday Garoonka Bali-doogle

?????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay kamid yihiin taliyaha ciidanka xoogga dalka, Taliyaha Ciidanka Cirka iyo saraakiil kale ayaa maanta booqasho ku tagey garoonka diyaaradaha ee Balli-doogle, halkaas oo fariisin u ah ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, wafdiga Wasiirka iyo Taliyeyaasha ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab, iyagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha xoogga dalka ee halkaas ku sugan.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay ujeedka ay maanta u soo gaareen Ballidoogle in ay tahay sidii loogu kuurgeli lahaa baahiyaha Β kala duwan ee ay qabaan Ciidamadda Xoogga dalka ee halkaas ku sugan, isagoo xusay ciidanka Danab oo ka tirsan xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay halkaas ku qaateen tababar heerkiisu sareeyo, haddana ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada difaaca dalkooda hooyo.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

β€œWaan idin ku bogaadinayaa sida geesinimada leh ee aad cadowga u jebiseen. Naftiina ayaad u hurteen in aad waddanka difaacdaan, sharaftiisana aad soo celisaan. Dowladda iyo shacabkana intaas way idin og yihiin, waxaadna ku jirtaan halgan muddo socday hadana socda oo dalkan looga sifeynayo cadowga kusoo duulay ee Al-shabaab” ayuu yiri Wasiir Diini oo dhinaca kale ku ammaanay saraakiisha hoggaaminaysa Ciidanka deegaanadan ku sugan sida ay ugu dhabar adaygeen dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa dhankiisa kula dar-daarmay ciidamadii kala duwanaa ee uu booqday in ay mar walba dantooda ka horumariyaan mida qaran si loo xaqiijiyo hadafka iyo macnaha uu leeyahay Askarigu. Wuxuna hoosta ka xariiqay Taliska Cusub ee Ciidamadda Xoogga dalku hadda wixii ka danbeeya uu mar walba isha ku hayn doono baahida iyo arrimaha gaarka ah ee ay u baahan yihiin Ciidankuβ€œ.

β€œWaxaan diyaar u nahay in aan baahidiina haqabtirto, taasina waa waajib ina saaran. Geesiyaashii ku dhintey goobaha dagaalka waxaan caddeynayaa in carruurtooda daryeelka ay xaqa u leeyihiin la siin doono. Waxaa aad ii farxad geliyey markii ay indhahaygu qabteen geesiyaashii Danab oo dib loosoo carbiyey hadana u diyaarsan difaaca dalkooda, tanina waa guul kale oo nagu dhiirigelinaysa inaga oo kaashanayna saaxiibadeena caalamka in aan xoojino dhismaha ciidan leh awood iyo hufnaan sare’’ayuu yiri Sareeyo Gaas Maxamed Aaden.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay raadadkii dagaalada sokeeye weli in ay ka muuqanayaan Garoonka Balli-doogle, isagoo tilmaamau in madaxda sare ee qarankana ay la wadaagi doonaan xaaladda ka jirta garoonka si deg-deg wax looga qabto.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidamadda Cirka Maxamuud Sheekh Cali β€œDable Baylood” Β ayaa xusay in hay’ado gaar ah ay dhismayaal ka wadaan Garoonka Balli-doogle ee Ciidanka Cirka kuwaas oo fasax aan u haysan in ay xarumo ka sameystaan, wuxuna ku baaqay in la ilaaliyo sumcadda iyo sharafta ciidanka cirka cid walba oo garoonka dhisme sharci darro ah ka wadana sharciga lala tiigsan doono.

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

Previous Post

Hay’adda Culimada oo bayaan ka soo saartay shaqsiyaad sheegtay inay Diinta ka baxeen

Next Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In