Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Xasan Gacaliye ayaa warbixin la xiriirta howlgalada Ciidanka Xoogga ee Goballada Dalka, waxa uu ka dhageestay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Jeneraal Cabaas Amiin Cali.
Jeneraal Cabaas Amiin ayaa u sheegay Wasiirka Gaashaandhigga in ciidamada xoogga ay howlgallo qorsheysan ka wadaan labada Shabeelle iyo qaar ka mid ah Goballada dalka, kuwasai oo jab xoogan lagu gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab, isla markaana lagala wareegay deegaanno dhowr ah oo ku yaala Gobollada Shabeelaha Dhexe, Shabeelaha Hoose iyo deegaanno kale.
Wasiiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa boogaadiyay guulaha Ciidanka xoogga dalka, isagoo tilmaamay in Wasaaradda Difaaca iyo Taliska Xoogga ka go’antahay in dalka laga sifeeyo argagixisada ku dhuumaleysaneysa qaar yar oo ka mid ah gobollada dalka.