Monday, January 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka qeybta ka ah howlgalka M.Afrika

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka qeybta ka ah howlgalka M.Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan iyo kuwa cusub ee lagu wado inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu bilowdo sanadka 2025.

Safarka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas İbrahim Sheekh Muxudiin, iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026

Wasiirka oo ka hadlay socdaalkaas ayaa sheegay in uu guul ku soo gabagabeeyay safarka Jabuuti, halkaas oo ay mas’uuliyiinta dalkaasi kaga wada hadleen amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika.

“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo haatan ku sugan Uganda ayaa sheegay in madaxda dalkaas uu kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen hawlgalka cusub.

Socdaalkiisu wuxuu sidoo kale gaari doonaa dalalka Burundi iyo Kenya, halkaas oo uu kala hadli doono sidii dalalkan ay gacan uga geysan lahaayeen qorshaha cusub ee nabad ilaalinta.

Kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socotay FBI-da Mareykanka 

Next Post

Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 

Next Post
Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 

Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS oo qabtay kulan muhiim ah

January 11, 2026
0

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta qabtay kulan lagu soo bandhigayay Natiijada Qiimeynta iyo Hubinta Hufnaanta Qabashada, Xisaabinta iyo...

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

Dibad bax ka dhan ah xadgudubka Israiil ee dalkeenna oo ka dhacay Belgium

January 11, 2026
0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Belgium ayaa maanta qabtay muddaharaad ay kaga soo horjeedeen faragalinta qaawan Isra'iil ee ka dhanka ah...

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

Guddoomiyaha SoDMA oo Golaha Aqalka Sare BJFS uga warbixiyay xaaladaha abaaraha dalkeenna

January 11, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Somali and Tunisian Foreign Ministers Discuss Israel’s Unlawful Recognition of Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay dhiggiisa Dalka Tunisia

January 11, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa galabnimadii Sabtida kulan kula...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In