Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka qeybta ka ah howlgalka M.Afrika

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka qeybta ka ah howlgalka M.Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka Soomaaliya ciidamadu ka joogaan iyo kuwa cusub ee lagu wado inay ku biiraan hawlgalka Midowga Afrika ee la qorsheynayo inuu bilowdo sanadka 2025.

Safarka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas İbrahim Sheekh Muxudiin, iyo mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wasiirka oo ka hadlay socdaalkaas ayaa sheegay in uu guul ku soo gabagabeeyay safarka Jabuuti, halkaas oo ay mas’uuliyiinta dalkaasi kaga wada hadleen amniga gobolka iyo hawlgalka cusub ee Midowga Afrika.

“Waxaa maanta si guul ah noogu soo gabagaboobey booqasho rasmi ah oo aan ku joogney dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti. Waxay ahayd fursad aan kaga wada hadalnay amniga gobolka iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee bilaabanaya 2025,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo haatan ku sugan Uganda ayaa sheegay in madaxda dalkaas uu kala hadlay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen hawlgalka cusub.

Socdaalkiisu wuxuu sidoo kale gaari doonaa dalalka Burundi iyo Kenya, halkaas oo uu kala hadli doono sidii dalalkan ay gacan uga geysan lahaayeen qorshaha cusub ee nabad ilaalinta.

Kulamadan ayaa daba socda ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo hirgelinta hawlgalka cusub ee loo yaqaan AUSSOM, oo qorshuhu yahay in lagu beddelo hawlgalka ATMIS ee ka bixi doona dalka.

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socotay FBI-da Mareykanka 

Next Post

Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 

Next Post
Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 

Shirweynaha Adkaysiga Aafooyinka oo maalintii labaad ka socda Muqdisho 

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In