Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda mudane Cumar Cali Cabdi, goobjoogna uu ka ahaa Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Madey Nuureey Sheekh Ufurow ayaa maanta guddoomiyey shirka billaha ah ee  Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaas oo ay martigelisay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Kulamada guddiga ee joogtada ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxyaha xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah uga shaqeeya arrimaha Xasillinta, iyada oo lagu jiheeyo farriimaha Xasillinta isla markaana lagu baahiyo isbadallada iyo sharciyadda dowladda ee goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye ayaa ka warbixiyey ujeedada loo aasaasay iyo waxqabadka 7-bil ee lasoo dhaafay, iyada lasoo bandhigay warbixinno, waxaa kale oo goobta ka hadlay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada oo ka warbixiyey howlaha kala duwan ee socda.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cumar Cali ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyey baahida loo qabo in lalabo-jibaarro isla markaana si weyn loo dhiirigeliyo ciidanka iyo dhabar-adeeggooda, lana muujiyo waxa ka maqnaa oo ay heleen dadka deggan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Ugu Dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn u  bogaadiyay isla shaqeynta iyo guud ahaan howlaha Guddiga, isaga oo sheegay in hadafka Xasillintu yahay horseedid meel ka fiican meeshii hore taasi oo waaxyaha laga rabo in ay si fiican u baahiyaan isla markaana shacabka la tuso in dowladdooda ay meesha ka saartay baaddii, kufsigii iyo dhibaatooyinkii Khawaarijta ku hayeen Shacabka.





 

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Isku-duwaha Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga

Next Post

Guddiga Xaqiiqa Raadinta ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan yeeshay

Next Post
Guddiga Xaqiiqa Raadinta ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan yeeshay

Guddiga Xaqiiqa Raadinta ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan yeeshay

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In