Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo guddoomiyay shir looga hadlayey Arrimaha Xasilinta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda mudane Cumar Cali Cabdi, goobjoogna uu ka ahaa Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Madey Nuureey Sheekh Ufurow ayaa maanta guddoomiyey shirka billaha ah ee  Guddi Howleedka Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasilinta, kaas oo ay martigelisay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS.

Kulamada guddiga ee joogtada ah waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimeyaasha Waaxyaha xiriirka ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda Federaalka ah uga shaqeeya arrimaha Xasillinta, iyada oo lagu jiheeyo farriimaha Xasillinta isla markaana lagu baahiyo isbadallada iyo sharciyadda dowladda ee goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Ugu horreyn, Guddoomiyaha Guddiga mudane Cabdicasiis Gurbiye ayaa ka warbixiyey ujeedada loo aasaasay iyo waxqabadka 7-bil ee lasoo dhaafay, iyada lasoo bandhigay warbixinno, waxaa kale oo goobta ka hadlay qaar ka mid ah agaasime waaxeedyada oo ka warbixiyey howlaha kala duwan ee socda.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cumar Cali ayaa bogaadiyay howlaha guddiga isaga oo adkeeyey baahida loo qabo in lalabo-jibaarro isla markaana si weyn loo dhiirigeliyo ciidanka iyo dhabar-adeeggooda, lana muujiyo waxa ka maqnaa oo ay heleen dadka deggan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Ugu Dambayn, Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa si weyn u  bogaadiyay isla shaqeynta iyo guud ahaan howlaha Guddiga, isaga oo sheegay in hadafka Xasillintu yahay horseedid meel ka fiican meeshii hore taasi oo waaxyaha laga rabo in ay si fiican u baahiyaan isla markaana shacabka la tuso in dowladdooda ay meesha ka saartay baaddii, kufsigii iyo dhibaatooyinkii Khawaarijta ku hayeen Shacabka.

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo magacaabay Isku-duwaha Guddiga Fududeynta Arrimaha Ganacsiga

Next Post

Guddiga Xaqiiqa Raadinta ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan yeeshay

Next Post
Guddiga Xaqiiqa Raadinta ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan yeeshay

Guddiga Xaqiiqa Raadinta ee Golaha Shacabka BJFS oo kulan yeeshay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In