Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon oo magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ayaa ka wada hadlay dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.
Wasiirka ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda & amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.