Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay safiirka cusub ee UK u qaabilsan Soomaaliya Mr. Michael Nithavrianakis, iyagoo is dhaafsaday arrimo ku saabsan iskaashiga dhanka difaaca iyo amniga ee Soomaaliya iyo Ingiriska.
Wasiirka ayaa si diiran u soo dhaweeyay Safiirka oo Soomaaliya uga bilaabatay shaqadiisa diblomaasiyadeed, isagoo xusay in uu rajeynayo danjiraha cusub inuu sii wado cilaaqaadka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Ingiriiska, islamarkaana la iska kaashado ciribrirka argagixisada iyo tababarka ciidanka Soomaaliyeed.
Danjire Michael Nithavrianakis ayaa xusay in UK ay sii wadayso taageerada ay siiso ciidanka xoogga dalka oo isugu jirta tababar iyo taageero farsamo, si loo wiiqo awoodda Khawaarijta Al-shabaab oo iminka ay ciidamada guulo waa weyn ka soo hooyeen.