Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay iney xoogga saari doonaan dhismaha iyo Tayeynta Ciidanka Cirka+Sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay iney xoogga saari doonaan dhismaha iyo Tayeynta Ciidanka Cirka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Munaasabad  loogu Dabaaldageyay Sanadguuradii 58-aad ee Ka soo Wareegtay Aas aaska Ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka,islmarkaan ay ka qeyba galeen Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Qaarkamid ah Taliyaashii Hore ee CXD Saraakiil katirsan Cidamada Xoogga Dalka kuwa Booliksa ayaa Lagu Qabtay Xarunta Cirka ee Maqaalada Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa Waxa ay Salaan Sharaf ka qaateen Cutubyo katirsan Cirka ee Xoogga Dalka.

Ugu horeyn ayaa waxaa Munaasabadda ka hadlay Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali (Dable-Beyloot), wuxuuna ku dheereeday ka sheekeynta Taariikhda ay leeyihiin Ciidanka cirka iyo marxaladihii kala duwanaa ay soo mareen.

Wuxuu sheegay Taliyaha in marxalado kala duwan uu soo maray Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka,islamarkaana uu saameyn ku yeeshay bur burkii dalka soo maray,isagoo hadalkiisa intaasi raaciyay in Ciidanka Cirka hadda uu marayo meel wanaagsan oo u baahan in horay looga sii dhaqaajiyo.

Taliyaha Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed Generaal Maxamuud Sheikh Cali Dable-beylood ayaa ugu baaqay madaxda Qaran iney waqti u huraan sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa Ciidanka Cirka.

Sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorad Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Ka Hadley Munsabada ayaa Hambalyo U direy Dhamaan Ciidanka Cirka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed sareeye Gaas C/wali Jaamac Warsame Gorod ayaa u mahad celiyay Taliyaha Ciidanka Cirka iyo kuwii ka horeeyay oo uu ku amaanay iney meel wanaagsan soo gaarsiiyeen Ciidanka cirka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Generaal Gorod,in ciidanka Cirka saameyn uu ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee dalka Soo maray,islamarkaana waqti iyo waayo fiican uu soo maray hadana uu joogo meel laga sii dhaqaajin karo.

Wasiirka Gaashandhigga Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh C/raxmaan Musrsal oo gaba gabadii munaasabadda Ka Hadley ayaa Muujiyay in Dowladda ay Xooga Saari Doonto Dhismaha iyo tayeynta  Ciidanka Xoogga Dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheikh C/raxmaan Mursal ayaa sheegay iney u istaagayaan sidii dib u dhis xooggan ugu sameyn lahaayeen Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Cirka ee xoogga dalka.

Sidoo kale,Wasiirka Gaashaandhiga ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in sanadguurada xigta la gaari doono iyadoo sida hadda laga qurux badan yahay.

Ciidanka Cirka ee Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la aas aasay bishii February 15,sanadkii 196Okii,waxaana hadda laga joogaa 58-sano.

Previous Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda oo Dhagax dhigay MCH-ka degmada Wadajir+Sawirro

Next Post

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay

Next Post
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya oo is casilay

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In