Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga XFS oo daahfuray dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga XFS oo daahfuray dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta furay xaflad loo sameeyey daahfurka iyo dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda ka hor oo hayโ€™adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ay la gashay shirkadda Bureau Veritas oo ah shirkad caalami ah oo hubin doonta tayada badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin dalka.

Ku simaha Maareeyaha ahna Maareeye ku xigeenka hayโ€™adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Marwo Suuban Cabdi Nuur oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in muhiimadda heshiiskani uu yahay siddii loo ilaalin lahaa badqabka caafimaad ee noolaha iyo biiโ€™adda, waxaana ay xustay in shirkaddani ay tahay shirkaddani ay masโ€™uul ka noqon doonto hubinta tayada badeecadaha kala duwan ee soo galaya dalka.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Wasiirka Amniga, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Ciidamada, Culimaa-uddiinka iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na tilmaamay in arrintani ay muhiim u tahay caafimaadka qofka bani Aadamka ah ee Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay waajib tahay ilaalinta tayada badeecadaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ujeedkeedu yahay in badeecadaha dalka soo galaya ay waafaqaan halbeegyada tayodhowrka ee dalka, kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay ka goโ€™an tahay horumarinta ganacsi xalaal ah, ilaalinta caafimaadka dadka iyo deegaanka.

Wasiirku, wuxu sidoo kale xusay in barnaamijkani uu kaalin weyn ka qaadan doonaa kor u qaadista dakhliga gudaha, horumarinta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshadu ku qabto tayada badeecadaha ee dalka. Waxa kale oo uu boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku amaanay kaalinta horumarka ah ee ay mar walba kaga jiraan dalka balse aan la aqbali doonin ganacsato dalka u soo dhoofisa waxyaabo tayadoodu ka hoosayso halbeegyada dalka.

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan hannaanka sharci sameynta

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Doolow “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Doolow “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Doolow "SAWIRRO"

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In