Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga XFS oo daahfuray dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga XFS oo daahfuray dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta furay xaflad loo sameeyey daahfurka iyo dhaqangelinta heshiiska hubinta waafaqsanaanta shixnadda ka hor oo hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed ay la gashay shirkadda Bureau Veritas oo ah shirkad caalami ah oo hubin doonta tayada badeecadaha ka hor inta aan loo soo dhoofin dalka.

Ku simaha Maareeyaha ahna Maareeye ku xigeenka hay’adda Tayodhowrka Soomaaliyeed Marwo Suuban Cabdi Nuur oo halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in muhiimadda heshiiskani uu yahay siddii loo ilaalin lahaa badqabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda, waxaana ay xustay in shirkaddani ay tahay shirkaddani ay mas’uul ka noqon doonto hubinta tayada badeecadaha kala duwan ee soo galaya dalka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Amniga, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Ciidamada, Culimaa-uddiinka iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa iyagu na tilmaamay in arrintani ay muhiim u tahay caafimaadka qofka bani Aadamka ah ee Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ay waajib tahay ilaalinta tayada badeecadaha dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jibril Cabdirashid Xaaji Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay in arrintani ay tahay guul u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed isla-mar-ahaantaana ujeedkeedu yahay in badeecadaha dalka soo galaya ay waafaqaan halbeegyada tayodhowrka ee dalka, kuwa gobalka iyo kuwa caalamiga ah, waxaana uu carabka ku dhuftay in ka Wasaarad ahaan ay ka go’an tahay horumarinta ganacsi xalaal ah, ilaalinta caafimaadka dadka iyo deegaanka.

Wasiirku, wuxu sidoo kale xusay in barnaamijkani uu kaalin weyn ka qaadan doonaa kor u qaadista dakhliga gudaha, horumarinta ganacsiga, kobaca dhaqaalaha iyo kalsoonida bulshadu ku qabto tayada badeecadaha ee dalka. Waxa kale oo uu boggaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ku amaanay kaalinta horumarka ah ee ay mar walba kaga jiraan dalka balse aan la aqbali doonin ganacsato dalka u soo dhoofisa waxyaabo tayadoodu ka hoosayso halbeegyada dalka.






 

Previous Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo daahfuray aqoon isweydaarsi ku saabsan hannaanka sharci sameynta

Next Post

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Doolow “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Doolow “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo si diiran loogu soo dhoweeyay degmada Doolow "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In