Wednesday, January 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Ganacsiga XFS oo la kulmay Ganacsatada Gobolka Banaadir+sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Ganacsiga XFS oo la kulmay Ganacsatada Gobolka Banaadir+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xildhibbaan Khaliif Cabdi Cumar oo u kuur-galaaya xaaladda ganacsatada ee Soomaaliya, ayaa maanta kulan aad u ballaadhan la qaatay ganacsatada kala duwan ka hawl-gasha dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo kulankiisa  oo ay ku wehelinayeen wasiiru-dawlaha wasaaradda Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekh’unaa Maye, wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cali Maxamed Sh. Bagadi, Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Related posts

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026

Kulanka oo ujeedkiisu ahaa siddii wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha Xukumadda federaalka Soomaaliya uu xog-oggaal ugu noqon lahaa sidoo kale na ugu kuur-geli lahaa xaaladaha iyo duruufaha ay qabaan ganacsatada kala duwan ee wadanka, ayaa waxay ganacsatadu sheegeen in ganacsiga wadanku uu maanta meel fiican maraayo isla-mar-ahaantaana ay ka ganacsato ahaan door weyn ay ka qaataan shaqo abuurka iyo guud ahaan horumarka wadanka. Iyaga oo xusay in sidoo kale na ay jiraan caqabado soo waajaha ganacsatada oo u baahan in si wada-jir ah wax loogga qabto.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadah xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar halkaas ka hadlay, ayaa ugu horreyn sheegay in uu ganacsatada uga mahad-celinaayo kaalintaas muuqata ay kaga jiraan horumarka Soomaaliya, waxaana uu xusay loo baahan yahay in ganacsatada iyo dawladdu ba ay mar walba iska kaashadaan horumarka dalka sidoo kale na ay ka Wasaarad ahaan dadaal ugu jiraan siddii loo horumarin lahaa ganacsatada iyada oo wax laga qabanaayo caqabadaha jira iyo cabashooyinka ay halkaas ku soo gudbiyeen ba.

 

Tags: Wasiirka Ganacsiga XFS oo la kulmay Ganacsatada Gobolka Banaadir+sawirro
Previous Post

Wasiir Qorshaynta X.F.S “ waa in aan dar dargalinnaa Fulinta waajibaadka naloo igmaday”

Next Post

Guddoomiye Cumar Filisha oo dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

Next Post
Guddoomiye Cumar Filisha oo dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

Guddoomiye Cumar Filisha oo dalka dib ugu soo laabtay+Sawirro

Taliska Booliska Oo Soo Saaray Digniin Ka Dhan Ah Been Abuur Ku Saabsan Imtixaanaadka Sanad Dugsiyeedka 2019/2020

Taliska Booliska oo war ka soo saaay fowdo ka dhacday Deyniile

January 7, 2026
0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad...

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka oo kormeeray deegaanka Gandershe

January 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa booqasho shaqo ku tagay Degaanka Gandarshe oo Khawaarijta dhibaato weyn...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha dibada Imaaraadka oo ka shiray qadiyadda Soomaaliya

January 6, 2026
0

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, iyo Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Isu-tagga Imaaraadka...

Golaha Nabadda ee Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay xadgudubka Israiil

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo saaray bayaan ka dhan ah xadgudubka Israiiil ee dalkeenna

January 6, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa soo saaray bayaan ka kooban dhowr qodob. Goluhu wuxuu si adag uga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In