Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya labada dal, iyada oo si gaar ah looga wada hadlay fursadaha maalgashi, horumarinta warshadaha, kor u qaadista ganacsiga, iyo doorka ay Shiinuhu ka qaadan karaan taageeridda kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.
Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii ballaariyo wada-shaqeynta ganacsi si ay uga faa’iideystaan labada shacab.











