Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gashaandhigga XFS oo sheegay Xiliga ay bilaabanayso ka bixtaanka dalka Ciidanka ATMIS 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gashaandhigga XFS oo sheegay Xiliga ay bilaabanayso ka bixtaanka dalka Ciidanka ATMIS 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga koowaad ee ka bixitaanka ciidanka ATMIS ee Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgaleen wafdi Militari oo ka socda Midowga Afrika oo dalka u jooga uu kuur galida howsha bixitaanka ciidanka ATMIS.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,ayaa sheegay in dhammaadka Bishan June dalka ka bixi doonaan qeybtii ugu horeysay ee ciidanka ATMIS kuwaas oo gaaraya 2,000 askari, ayna mas’uuliyadda ammaanka dalka ku wareejin doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Safiir Mohammed El-Amine Souef, ayaa Wasiirka uga mahadceliyay doorka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo guud ahaan Dowladda ay ugu qeyb qaateen fulinta qorshaha kala guurka iyo soo dhaweeynta Saraakiishii u timid in ay uu kuur galaan hanaanka bixitaanka Ciidanka ATMIS.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa u mahadceliyay Ciidamada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika doorka ay ka qaateen Xasilinta iyo amniga dalka isagoo sidoo kale, tilmaamay in tilaabo wanaagsan la gaaray oo ah in ay maanta Ciidanka xoogga dalka ku filan yihiin in ay ATMIS kala wareegaan mas’uuliyadda amniga goobaha la isla gartay.

Qorshaha kala wareegida amniga ATMIS wuxuu u socon doonaa sida loogu talagalay ilaa Askariga u dambeeyay dalka ka bixi doona dhammaadka December 2024 sida ku cad qaraarka UNSCR 2628.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Tacsiyeeyay geerida Guddoomiyaha hore ee Bangiga dhaxe

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga QM ee Soomaaliya

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga QM ee Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland oo Madaxtooyada ku qaabilay Ergayga QM ee Soomaaliya

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In