Waxaa magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ka furmay maanta shirka Bandhiga Shirkadaha Ganacsiga Qalabka Dhismaha ee Turkiga iyo Carabta oo ay soo qabanqaabisay Jimciyada Isku xirka Ganaacsatada Turkida iyo Carabta ee loo soo gaabiyo TURAP.
Sidookale waxaa ka soo qeyb galey 200 Shirkado Turki ah, Dhanka Soomaaliyana, waxaa uga soo qeyb galey wafdi uu hogaminayo Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey oo ka koobnaa Ganacsato iyo Engineero Soomaaliyeed, Gudoomiya Rugta Ganacsiga ee Tukiga iyo Shirkadaha daneeya Maalgashiga iyo Ganacsato Carbeed.
Shirka ayaa waxaa si wadajir ah u furay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumada Federaalka ah Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Maxamed Ibraahim Geesey iyo Madaxa Iskaashiga Maalgashiga Turki iyo Carab, Mudane Cadhar subuxi.
Wasiir Cabdifataax Geesey oo kahadlay furitaankii shirka ayaa sheegay ahmiyada ay u leedahay Soomaaliya qalabkan dhismaha, maadaama aanan dib udhis lagu sameyn ilaa iyo burburkii Dowladii dhexe oo ay hada dib uga soo kabaneyso qalabkana uu wax wayn ka bedeili doona muhiimna uu u yahay Soomaaliya .
Shirka ayaa socon doona muddo sadex maalmood ah oo ay Ganacsatada ku soo bandhigi doonaan qalabka dhismaha qeybihiisa kala duwan.