Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka howlaha guud oo kormeeray dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka howlaha guud oo lagu wareegayay qalab xafiiseed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

ENG SAALAX

Kormeerka uu maanta ku tegay dhismaha cusub ee Wasaaradda caafimaadka dalka oo ku yaala agagaarka  KM0 Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Saalax Sheekh Cusmaan ayaa waxaa uu ugu kuur galayay bilicda dhismahaasi oo hadda heer gaba gaba ah maraya .

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Dhismaha xarunta cusub ee loo dhisay Wasaaradda caafimaadka oo qaab casri ah loo dhisay ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay dowladda Sweden, iyadoo ay dhismahaan quruxda badan dhiseen Engineero  Soomaali ah, waxaana uu Wasiirku ku amaanay sida waqtiga kooban ay dhismahaan ku soo dhameeyeen.

Eng Saalax Sheekh Cusmaan Wasiirka howlaha guud oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay goobtaas kormeerka kaddib ayaa waxaa uu bogaadiyay Injineerada dhisay xaruntaan iyo cid walba oo gacan ka geysatay .

“Muddo sideed bilood ah ayay qaadatay in dhismahaan quruxda badan lagu dhameystiro runtii waxaan u mahad celinayaa dowladda Sweden oo gacan naga siisay dhismahaan, waxaa ka go’an Wasaaradeyda soo celinta bilicda dalka” ayuu yiri Eng Saalax.

Dhismaha kan dabaqa ah ayaa waxaa uu kaga duwan yahay dhismayaasha kale in loo sameeyay irdo ay ka galaan dadka naafada ah oo horay dhowr  jeer u codsaday in dhismayaasha dheer dheer loo sameeyo meelo ay ka gali karaan Wasiirka Saalax ayaana mar kale uga mahad celiyay Injineerada talaabadaasi sameeyay.

“Sida aad u jeedaan dhismahaan waxaa loo sameeyay irdaha ay ka geli karaan dadka cuuryaamiinta ah  horay uma jirin hadda ka dibna Wasaaradu waxa ay ka shaqeyn doontaa in dhisme kasta oo la dhisayo loo sameeyo, waa muhiim arintaani waana ku amaanayaa Injineerada garbaheyga taan ee dhisay xaruntaan” ayuu mar kale yiri Eng Saalax.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska Eng Saalax Sheekh Cismaan ayaa waxa uu horay ugu guuleystay in uu dhiso xaruntii Wasaaradda howlaha guud, iyadoo uu gacan ka helay bulshada Soomaaliyeed tani waxaa ay noqoneysaa Wasaaradii sadaxaad ee la dhiso inta uu xilka hayo.

 

 

Previous Post

Diiwaangelinta musharixiinta u tartamaya Madaxweynaha JFS oo ka bilaabatay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Marxuum Malaaq Malabow oo lagu aasay duleedka magaalada Baydhabo

Next Post
Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Axmed oo loo sameeyay aas Qaran

Marxuum Malaaq Malabow oo lagu aasay duleedka magaalada Baydhabo

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In