Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka howlaha guud oo sheegay in xarumo waxbarasho loo dhisi doono dadka aan lixaadooda dhameystirneyn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka howlaha guud oo sheegay in xarumo waxbarasho loo dhisi doono dadka aan lixaadooda dhameystirneyn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa sheegay in dhismayaal waxbarasho ay u sameynayaan Ardeyda Araga la’ ee dugsiga Al-Nuur, kuwaasi oo uu kulan kula qaatay xaruntooda magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayay sidii wax loogu qaban lahaa maamulka iyo ardayda waxka barata Iskuulka ardayda araga la’ ee Al-Nuur, isla markaana loogu dhisi lahaa goobo waxbarasho si loo horumariyo waxbarashada dadka araga la’a

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Maamule ku-xigeenka Iskuulka Al-Nuur ayaa ka codsaday Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska in ay gacan ka geysato sidii looga heli lahaa dadka araga la’a goobo waxbarasho oo u gaar ah.

“Baahi weyn ayaan u qabnaa inaan helno xarumo tan ka balaaran oo wax lagu baro ardayda araga la’a, sababtoo ah waxaa jirta arday badan oo nala soo xiriirtay oo gobollada dalka ku sugan, kuwaasi oo u baahan inaan u helno goobo wax lagu baro”ayuu yiri maamulka ku-xigeenka iskuulka.

Agaasimaha arrimaha bulshada iyo xiriirka dadweynaha ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maryan Aadan Amiin ayaa tilmaantay in ay gacan ka geysan doonaan sidii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan, isla markaana loo horumarin lahaa aqontooda.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan uu qeyb weyn ka qaadan doono sidii dadka araga la’ loogu dhisi lahaa xarumo waxbarasho oo ay wax ku bartaan.

“Waxaan u howlgalayaa in baahida aad tabaneysaan inaan wax ka qabano, dowladda ayay mas’uuliyad ka saarantahay dhismaha xarumo wax lagu baro dadka arag la’, marka aniga ka Wasaarad ahaan gacan ayaan ka geysanayaa arrinta Insha Allah” ayuu yiri Eng, Saalax.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia oo ka hadlay shir lagu qabayo Jakarta

Next Post
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia oo ka hadlay shir lagu qabayo Jakarta

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia oo ka hadlay shir lagu qabayo Jakarta

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In