Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo qaabilay Madaxa Hay’adda UNDP Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya, Mr. Lionel Lourense.

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda la saaray sidii wax looga qaban lahaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, magaalooyinka, iyo u adkaysiga isbeddelka cimilada.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Ugu horreyn, Agaasimaha Hubinta Tayada Dhismaha ee Wasaaradda Hawlaha Guud, Cabdikariin Xasan Daahir, ayaa soo dhoweeyey madaxa hay’adda UNDP Soomaaliya iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Madaxa hay’adda UNDP, Mr. Lionel Lourense, ayaa sheegay in UNDP iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ay ka dhaxayso wada shaqayn dhow, loona baahan yahay in la dardar geliyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka sida waddooyinka, buundooyinka iyo magaalooyinka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta DFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, oo soo xiray kulanka, ayaa bogaadiyey soo jeedimaha iyo aragtiyaha laga soo bandhigay. Waxa uu sheegay in Wasaaradda Hawlaha Guud ka go’an tahay in ay ka shaqeyso horumarinta iyo hirgelinta qorshayaashaas muhiimka ah.

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Bankiga Adduunka ku wareejiyay Astaan dhaqan

Next Post

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay Shirweynaha 11-aad ee Shiinaha iyo Wadamada Carabta

Next Post
Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay Shirweynaha 11-aad ee Shiinaha iyo Wadamada Carabta

Wafdi ka socda Wasaaradda Ganacsiga oo ka qeyb galay Shirweynaha 11-aad ee Shiinaha iyo Wadamada Carabta

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In