Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
11 months ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan macallin Soomaali, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey Agaasimihii hore ee wasaaradda , Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq, iyo Agaasimaha Cusub, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay agaasime waaxeedyada, lataliyeyaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo ka markhaati kacay dadaalkii iyo hoggaamintii Agaasimihii hore.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hayโ€™adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hayโ€™adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026

Agaasimaha booska baneeyey ee Cabdicasiis Duwane oo munaasabadda kahadlay ayaa umahadceliyey wasiirka isagoo xusay in si dhaw ay uwada shaqeeyeen mudadii uu wasiirku joogay wasaaradda,Waxa uu si qota dheer uga hadalay agaasime duwane howlihii baaxadda lahaa ee uqabsoomay waqtigii uu xilka hayey.

Dhankiisa waxaa madasha si kooban hadal uga jeediyey agaasimaha xilka lawareegay waxa uuna balan qaaday inuu sii amba qaadi doono howlaha horutabinta uleh wasaaradda shaqadiisana ay noqon doonto mid kushaqeysa siyaasadda wasiirka wasaaradda iyo xumkuumadda dan qaran.

Wasiir Maxamed Soomaali, ayaa ammaan ballaaran u jeediyey Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq, isagoo ku sifeeyey masโ€™uul karti, xilkasnimo iyo daacadnimo leh, una soo qabtay shaqo mug leh intii uu xilka hayey. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dedaalkii uu geliyey horumarinta wasaaradda, isagoo xusay in dadaalkiisa iyo hoggaamintiisa ay wax badan ka beddeleen habsami u socodka shaqada.

Dhanka kale, Wasiirka wasaaradda waxa uu dardaaran u jeediyey Agaasimaha Cusub ee wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Faarax Cabdinuur Axmed, isagoo kula dardaarmay in uu si hagar laโ€™aan ah u guto waajibaadka loo igmaday, korna u qaado tayada shaqada wasaaradda.

Wasiirku wuxuu xusay in laga rajeynayo agaasimaha cusub in uu sii xoojiyo dadaalladii hore, isla markaana uu hormuud ka noqdo kor u qaadista howlaha wasaaradda.

Ugu dambeyn, waxaa si rasmi ah loogu wareejiyey Agaasimaha cusub dhammaan dukumentiyadii iyo xilkii agaasime guud, halka Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq uu ku mutaystay shahaado sharaf lagu maamuusay shaqadii qiimaha lahayd ee uu soo qabtay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Next Post

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ช๐จ๐ฅ๐š๐š๐ฅ ๐๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐š๐ก ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐š๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ค๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

๐‘๐š'๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐ช๐จ๐ฅ๐š๐š๐ฅ ๐๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐š๐ก ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š ๐š๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐š๐ฒ ๐ฌ๐ฎ๐ฎ๐ช๐š ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง ๐ž๐ž ๐๐š๐ค๐š๐š๐ซ๐š๐ก๐š

Wasiirka Warfaafinta XFS oo u tacsiyeeyay Tifaftiraha Wakaaladda Wararka SONNA oo xaaskiisa ay ku dhimatay Muqdisho

January 23, 2026
0

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEEHI RAAJICUUN Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daโ€™ud Aweys Jaamac, ayaa ka...

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hayโ€™adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

Guddoomiyaha SoDMA oo booqday xarunta Hayโ€™adda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka Bakistaan

January 23, 2026
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Bakistaan, ayaa booqday xarunta Hayโ€™adda...

Wasiirka Warfaafinta XFS โ€œDowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS โ€œDowladda xaq ayeey u leedahay in ay laasho heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada iyo madaxbannaanida dalka

January 23, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay in goโ€™aanka dowladda ee...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Qaahira kaga qayb galay shirka 29-aad ee golaha Wasiirrada Carabta

January 23, 2026
0

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer sare ah oo ahaa Kulanka 29-aad ee Golaha Wasiirrada Carabta ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In