Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsiinta oo xilalka u kala wareejiyey Agaasimihii hore iyo Agaasimaha cusub
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Mudane Xildhibaan Maxamed Aadan macallin Soomaali, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey Agaasimihii hore ee wasaaradda , Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq, iyo Agaasimaha Cusub, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay agaasime waaxeedyada, lataliyeyaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaas oo ka markhaati kacay dadaalkii iyo hoggaamintii Agaasimihii hore.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Agaasimaha booska baneeyey ee Cabdicasiis Duwane oo munaasabadda kahadlay ayaa umahadceliyey wasiirka isagoo xusay in si dhaw ay uwada shaqeeyeen mudadii uu wasiirku joogay wasaaradda,Waxa uu si qota dheer uga hadalay agaasime duwane howlihii baaxadda lahaa ee uqabsoomay waqtigii uu xilka hayey.

Dhankiisa waxaa madasha si kooban hadal uga jeediyey agaasimaha xilka lawareegay waxa uuna balan qaaday inuu sii amba qaadi doono howlaha horutabinta uleh wasaaradda shaqadiisana ay noqon doonto mid kushaqeysa siyaasadda wasiirka wasaaradda iyo xumkuumadda dan qaran.

Wasiir Maxamed Soomaali, ayaa ammaan ballaaran u jeediyey Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq, isagoo ku sifeeyey mas’uul karti, xilkasnimo iyo daacadnimo leh, una soo qabtay shaqo mug leh intii uu xilka hayey. Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dedaalkii uu geliyey horumarinta wasaaradda, isagoo xusay in dadaalkiisa iyo hoggaamintiisa ay wax badan ka beddeleen habsami u socodka shaqada.

Dhanka kale, Wasiirka wasaaradda waxa uu dardaaran u jeediyey Agaasimaha Cusub ee wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Faarax Cabdinuur Axmed, isagoo kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah u guto waajibaadka loo igmaday, korna u qaado tayada shaqada wasaaradda.

Wasiirku wuxuu xusay in laga rajeynayo agaasimaha cusub in uu sii xoojiyo dadaalladii hore, isla markaana uu hormuud ka noqdo kor u qaadista howlaha wasaaradda.

Ugu dambeyn, waxaa si rasmi ah loogu wareejiyey Agaasimaha cusub dhammaan dukumentiyadii iyo xilkii agaasime guud, halka Mudane Cabdicasiis Duwane Isxaaq uu ku mutaystay shahaado sharaf lagu maamuusay shaqadii qiimaha lahayd ee uu soo qabtay.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse: “waxaa guuleystay qofkii dila ama ay dilaan khawaarijta”.

Next Post

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐪𝐨𝐥𝐚𝐚𝐥 𝐝𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐚𝐡 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐚𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐤𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

Next Post
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐪𝐨𝐥𝐚𝐚𝐥 𝐝𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐚𝐡 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐚𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐤𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚'𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐪𝐨𝐥𝐚𝐚𝐥 𝐝𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐚𝐡 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐚𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐬𝐮𝐮𝐪𝐚 𝐰𝐞𝐲𝐧 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐤𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In