Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Macallin ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, danjire Francesca Di Mauro , Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada isgaarsiinta, horumarinta dijitaalka, iyo amniga internetka.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Wasaaradda, gaar ahaan mashruuca dhowaan la soo gabagabeeyay ee “Initiative for Digital Government and Cybersecurity (IDGC) for the Horn of Africa”, oo uu maalgeliyay Midowga Yurub, kaas oo diiradda saaray horumarinta iyo amniga dijitaalka ee dalalka gobolka.
Dhankeeda, Danjiraha cusub ee Midowga Yurub, Amb. Francesca Di Mauro, ayaa xaqiijisay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, iyadoo carabka ku dhufatay muhiimadda ay leedahay horumarinta dijitaalka, xirfadaha dhallinyarada, iyo mashaariicda lagu xoojinayo isku xirka gobolka iyo maalgashiga tiknoolojiyadda cagaaran.
Kulankan u dhexeeyey wasiirka iyo safiirka midowga yurub ayaa muujinaya sida ay labada dhinac uga go’an tahay xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac, si loo hormariyo dijitaalka, amniga internetka, iyo horumarinta adeegyada casriga ah ee dowladnimada.