Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsinta XFS oo daahfuray shirka 4-aad ee Wadatashiga Isgaarsiinta “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsinta XFS oo daahfuray shirka 4-aad ee Wadatashiga Isgaarsiinta “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa daahfuray shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya iyo Wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Benaadir oo socon doono 12ka illaa 16ka Juun 2023, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya.

Ujeedada shirkani waxa uu ahaa in Wasaaradaha isku shaqada ah ee heer Federaal iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Mudane Axmed Cismaan Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Mudane Xuseen Axmed Culusoow, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ee Jubbaland Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Koonfur Galbeed, Mudane Cabdullaahi Sheekh Daahir, Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Galmudug Mudane Muxyadiin Sheekh Cabdullaahi Cismaan, Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Hirshabeelle, Mudane Cabdifitaax Xasan Faarax, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaarsiinta Mudane Cabdiasiis Duwane Isaaq, Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Lataliyeyaasha Wasaaradda, Agaasimayaasha guud iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaraddaha Isgaarsiinta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiirka Isgaarsiinta Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa tilmaamay in ujeedka shirka uu yahay mid xoojinayo iskaashiga iyo wadashaqaynta ka dhexeysa Wasaaradaha Isgaarsiinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

“Ujeedada shirkani waxa uu ahaa in Wasaaradaha isku shaqada ah ee heer federal iyo dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ay yeeshaan wadashaqayn iyo is-afgarad si loo xoojiyo shaqada Qaranka ee dalka loo hayo, waxaa idinka mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad shirka ugu soo qeybgasheen, waxa ayna noo leedahay mudnaan gaar ah.”. ayuu yiri Wasiir Jaamac.

Shirkaan ayaa waxa uu socon doona Muddo afarmaalmood ah, waxaana ugu danbeyn laga soo saari doonaa War-murtiyeedka is-afgaradka.







Previous Post

Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee G/Banaadir oo shir muhiim ah uga qeybgalay Brussels

Next Post

Hay’adda SoDMA oo qorsheyneysa qabashada shirka ka hortagga Aafooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adda SoDMA oo qorsheyneysa qabashada shirka ka hortagga Aafooyinka “SAWIRRO”

Hay’adda SoDMA oo qorsheyneysa qabashada shirka ka hortagga Aafooyinka "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In