Tuesday, March 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Isgaarsinta XFS oo kormeeray xarumo ay lahayd Wasaaradda si dib loo howlgeliyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Isgaarsinta XFS oo kormeeray xarumo ay lahayd Wasaaradda si dib loo howlgeliyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Khaliif ayaa maanta kormeer ku tegey xarumo dhawr ah oo ka mid ah hantida maguurtada ah ee Wasaaradda.  Xarumahaas uu Wasiirku tegey waxaa ka mid ah: Xaruntii Dugsiga Tababbarka Isgaarsiinta ee ku taal Degmada Shibis.  Sidoo kale wuxuu Wasiirku soo kormeeray Xaruntii Gaadiidka ee Wasaaradda oo ku taal Degmada C/Casiis.

Wasiirka ayaa ugu dambayntii kormeerkiisa ku soo gebagebeeyey Xaruntii Hore ee Boostada oo ku taal Degmada Xamarweyne, isagoo u kuurgalayey xaaladda ay hadda xarumahaasi ku sugan yihiin, kuwaasoo ay xilligan deggan yihiin dad barakacayaal ah.

Related posts

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026

Wasaaradda ayaa ku gudajirta doorkii shaqada ee loo igmaday oo ay ka mid tahay xafidaadda iyo ka-warqabidda hantida Wasaaradda.  Waxaa Wasaaradda qorsheyaasheeda ka mid ah inay dib-u-yagleesho shaqooyinkii ay xarumahaas iyo kuwo kale oo ay Wasaaraddu xilligii burburka ka hor ka hawlgeli jirtey.

Wasaaraddu oo hiigsanaysaa kana faa’iideysanaysa horumarka laga gaaray dhanka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, fulineysanaya halbeegyada dowladda Dan-Qaran  ayaa waxay ku talo-jirtaa in mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed loo aasaaso adeegyo ku qotoma shaqada ay u xilsaaran tahay, kuwaasoo sidoo kalena shaqo-abuur u noqon doona jiilka hanaqaaday, si ay door weyn uga qaataan dib-u-dhiska dalka.

Previous Post

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug oo daah furay shirka taabba gelinta dowlad loo dhanyahay

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha XFS oo Kampala uga qeybgalay shirka arrimaha Qaxootiga

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha XFS oo Kampala uga qeybgalay shirka arrimaha Qaxootiga

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha XFS oo Kampala uga qeybgalay shirka arrimaha Qaxootiga

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Safaaradda Soomaaliya ee Yemen oo dib u bilaabeyso bixinta adeegyada baasaboorka 

March 10, 2026
0

Safiirka JF Soomaaliya ee dalka Yemen Danjire Cabdixakiim Maxamed Axmed oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In