Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga: “Kalluumeysato halaga caawiyo inay helaan qaboojiyeyaal”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Kalluumeysiga oo tababar u qabatay kalluumeysatada gobolka Banaadir
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa sheegay in kalluumeysatada Soomaaliyeed ay dhibaato ka haysato helitaanka agabkii ay ku qaboojin lahaayeen marka ay kalluunka badda kala soo baxaan, isagoo baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed in arrimahaasi laga caawiyo kalluumeysatada.

Wasiirka Kalluumeysiga oo ka hadlayay siminaar shalay Muqdisho loogu soo xiray haween ka ganacsada kalluunka ayaa sheegay in kalluumeysatada Soomaaliyeed aysan haysanin agabyo ku filan oo ay kaga faa’iideysan karaan kheyraadka badda ku jira, loona baahanyahay in gacan lagu siiyo sidii ay u heli lahaayeen qaboojiyeyaal ay ku keydsan karaan kalluunka.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026

“Saq dhexe qofkii badda u galay in uu kalluun soo helo, kalluunkii aad badda kala soo baxday oo dhacdo in lagaa gadan waayo, isla markaana aan heysanin meel lagu qaboojiyo waxa ay niyad jebineysaa kalluumeysatada, marka waan in aan u helnaa qaboojiye, oo aan isku tashano, isla markaana aan ku dadaalno sidii kalluunka badda laga soo saaro loogu heli lahaa qaboojiyeyaal lagu keydin karo” ayuu yiri Wasiir Ceymooy.

Arrintan ayaa dhiiri gelin u noqoneysa kalluumeysatada Soomaaliyeed oo dhibaatooyin ku qaba helidda agabyo ay ku keydsan karaan kalluunkooda, marka ay badda kala soo baxaan.

 

 

Previous Post

Madaxwyene Xasan oo Urdun uga qeyb galaya shir looga hadlayo qatarta argagixisada

Next Post

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo loogu baaqay inay is dajiyaan

Next Post
Heshiis laga gaaray rabshad ka dhacday goobo  Soomaalida Koonfur Afrika ku ganacsadaan

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo loogu baaqay inay is dajiyaan

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda arrimaha gudaha oo dib u magacawday maamulka gobolka Bakool

March 25, 2026
0

Wasaaradda arrimaha Gudaha dowladda FS ayaa dib u magacawday xubnihii maamulka gobolka Bakool, kan degmada Xudur iyo golaha deegaanka degmadaas.

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika oo lagu qabtay dalka Namibia

March 25, 2026
0

Madaxa Qiimeynta iyo Kormeerka, Prof: Maxamed Cilmi Guure, ahna Xiriiriyaha Soomaaliya ee Barnaamijka Horumarinta Beeraha iyo Sugnaanta Cuntada Afrika (CAADP)...

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga XFS oo ka qeybgalay gunaanadka barnaamij la xiriiray horumarinta amniga

March 25, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay munaasabadda gabagabada barnaamijka Xoojinta Qaabdhismeedka Amniga Qaranka, oo lagu soo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda Guud ee dalkeenna

March 25, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In