Saturday, September 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid Ah Ganacsatada Dhoofisa Kalluunka

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid Ah Ganacsatada Dhoofisa Kalluunka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aaden, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka waxaana ay ka wadahadleen horumarrada ay sameeyeen ganacsatadu, caqabdaha jira gaar ahaan canshuuraha, iyo fursadaha taagan ee u baahanin looga faa’iideeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha shirkadda “Somali sea food export association” oo kamid ah shirkadaha ganacsi ee ka shaqeeya dhoofinta kalluunta Cali Ibraahim oo warbixin ka siiyey  Wasiirka shaqada ay qabtaan ayaa sheegay in ganacsato ahaan ay doonayaan in ay horumariyaan ganacsiga caalamiga ah ee ku saabsan dhoofinta kalluunka laakiin ay jiraan cabqado badan oo ka imaanaya gudaha iyo dibadda.

Related posts

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026

Waxa uu sheegay in ay jiraan culeysyo ka yimid lacagaha laga qaado ganacsatada gaar ahaan shatiyada iyo canshuurta lagu kordhiyey qaar kamid ah noole badeed ka ay ganacsatadu u dhoofiso dibadda taas oo caqbad ku noqotay howlaha ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka.

Guddoomiyaha Shirkadda ayaa yiri “caqabadaha dibadda waxaa kamid ah kalluumeysiga sharci daradda ah ee ay Soomaaliya dowlado shisheeye taas oo keeneysa in aan baahi badan loo qabin dhoofka Kalluunka Soomaaliya” waxa uu intaa ku daray waxaa jira xoogaa horumar ah oo laga sameeyey taas oo ay gacan naga siisay wasaaradda, waxaan shirar u tagnay dalal badan oo dibadda kuwaas oo aan isla qaadanay in aan sifo sharci ah ugu geyno kalluunkeenna”Ayuu yiri Wasiirka Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Axmed Xassan Aaden.

Wasiirka Wasaaradda kalluumeysiga iyo khyeraadka badda ee Xukuumadda Soomaaliya mudane Axmed Xassan Aden, Ayaa yiri  ” Waxaan idinku amanayaa haddaad tihiin Ganacsatada Soomaaliyeed shaqada baaxadda leh ee aad u haysaan Bulshada Soomaaliya, Waxaana  fursad idiin siin doonaa in naad ka qeyb noqotaan dhammaan howlaha ku saabsan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya”.

Wasiirka, ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay diiradda saarayaan sidii looga faa’iideysan lahaa howlaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku saabsan dhoofinta kalluunka, sidoo kale ay doonayaan in laga faa’iideysto shirkadaha shisheeye ee doonaya in maalgashi ay ku sameystaan Soomaaliya isaga oo xusan in mudnaanta la siinayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka, ayaa yiri “Wasaaradda kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto horumarinta shaqada ay hayaan Ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka, sidoo kale waxay dadaal xoogan ku bixineysaa sidii loo xalin lahaa caqbadaha jira gaar ahaan Canshuuraha iyo Lacagaha lagu kordhiyey shatiyada shirkadaha kalluumeysi ee maxaliga ah”. Ayuu yiri Wasiirka Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Axmed Xassan Aaden.

 

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug Oo kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Qaramada Midoobay

Next Post

Guddoomiye Ku-Xigeenka Dalka Oo Hambalyo U Dirtay dhiggeeda Guddoomiye Ku-Xigeenka Keynya

Next Post
Guddoomiye Ku-Xigeenka Dalka Oo Hambalyo U Dirtay dhiggeeda Guddoomiye Ku-Xigeenka Keynya

Guddoomiye Ku-Xigeenka Dalka Oo Hambalyo U Dirtay dhiggeeda Guddoomiye Ku-Xigeenka Keynya

Ururka JSP oo  olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

Ururka JSP oo olole cod-raadis ah ka sameeyay deegaanka Xaarxaar

September 26, 2026
0

Xubno sare oo ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ay Hogaaninneeysay Senator Duniyo Maxamed Cali ayaa olole doorasho...

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

Safaaradda Soomaaliya oo qaabishay Madaxa Barnaamijyada UN-Habitat Ee Soomaaliya

September 26, 2026
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Sophos Sophianos, Madaxa Barnaamijyada ee Hay’adda UN-Habitat Somalia, oo booqasho shaqo ku...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Guddoomiyaha SoDMA oo soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

September 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa soo xiray kulan wadatashi ah oo looga hadlay xaaladda...

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise-Sharcyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah

September 26, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 19-aad, waxaana Shir guddoomiyey Guddoomiye kuxigeenka labaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In