Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda ee Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Xisaabiyihii Wasaaradda

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda ee Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Xisaabiyihii Wasaaradda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Dr Cabdullaahi Shiikh Axmed ayaa ka tacsiyeeyey falkii foosha xumaa ee argagixisnimo ee la beegsaday Allaha ha u naxariiste Xisaabiyihii  gobolka Mudug ee
Wasaaradda Maaliyadda Puntland Siciid Cali Yuusuf (Gaad-yare) iyo muwaadintii kale ee soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa cambaareeyay falkaas foosha xun oo qof isa soo miidaaamiyay  u  isku qarxiyay Marxuum Siciid Cali Yuusuf  , Eng Xasan Ruusha iyo muwaadiniin kale oo fadhiyay hotelka Uunlaaye ee Magaaladda Galkacayo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

“Alla ha u naxariistee Marxuum Siciid Cali Yuusuf wuxuu ahaa hoggaamiye isku kalsoon,khabiir  ahaa, howlkar ahaa, daacad ahaa, Nabada iyo xasiloonida gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland ka
shaqaynayay 18-sanno ee u dambeeyay””ayuu yiri Dr Cabdullaahi.

Dhanka kale Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax ayaa tacsi u diray Marxuum Gaadayare ,isagoona sheegay in uu ahaa shaqsi qiima weyn ugu fadhiyey Ummada Soomaaliyeed.

Waxa uu ku tilmaamay in uu ahaa Shahiid ,isagoona Alle uga baryey Janatul fardowsa ka waraabiyo samir iyo iimaana ka siiyo qoyskii,ehelkii iyo asxaabtii u ka geeriyooday.

Marxuum Siciid Cali Yuusuf oo loo yaqaanay Gaada-yare ayaa tan iyo markii la asaasay dowlad goboleedka Puntland wuxuuu ka mid ahaa Saraakiisha lafdhabarta u ah Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland, gaar ahaan gobolka Mudug.
Waxaana uu ahaa aqoonyahan ku takhakhusay Maamulka iyo Maaraynta , isagoo ka qalinjabiyay Machadkii caanka ahaa ee cilmiga dhaqaalaha iyo Maamulka ee SIDAM oo ku yaalay magaalada Muqdisho burburkii ka hor.

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Next Post
R/wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii loo gaystay Saciid oo kamid ahaa Shaqaalaha xafiiska RW

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo cambaareeyey Qaraxii bahalnimo ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In