Friday, January 9, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo kulan doceedyo la qaatay mas’uuliyiin Bangiga Adduunka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo kulan doceedyo la qaatay mas’uuliyiin Bangiga Adduunka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya ku matalaya shirka sanad laha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo ay ka soo qayb galayaan in ka badan Boqol dal ayaa ka hor furitaanka guud ee shirka waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madaxda Bangiga iyo IMF, si looga gungaaro natiijada iyo geediga horumarinta dhaqaalaha dalka.

Wafdiga uu hogaaminayay Wasiir Biixi ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka Bangiga Adduunka ee dalalka Koofurta iyo Bariga Afrika Marwo Victoria Kwakwa, Kulanka ayaana diiradda lagu saaray arrimaha muhiimka ah ee iskaashiga, oo ay ku jirto qorshaha dib-u-cusbooneysiinta Barnaamijka Horumarinta Caalamiga ah (IDA), dib-u-habaynta koboca dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026

Kulan kale oo muhiim u ahaa horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya ayey wafdigu la qaateen Mudane Jihad Azour oo ah Agaasimaha Waaxda Bariga dhexe iyo Dalalka Bartamaha Asia, kaae oo si gaar ah loogu lafa guray hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo hada meel wanaagsan maraya, kadib deyn cafintii iyo qorshaha Istaraatiijiga ah ee kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya oo IMF ay door weyn ku leedahay, kulanka labada dhinac ayaana kusoo dhamaaday guul iyo is-afgarad.

Shirka sanad laha ah ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee 2024 oo sanadkan lagu qabanayo magaalada Washington DC, oo socon doona muddo toddobaad ah ayaa la filayaa marka laga tago kulamada guud ee loo dhanyahay in Wafdiga dowladda Soomaaliya ay yeelan doonaan kulamo docoodyo lagu hormarinayo xiriirada dalalka iyo hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah, kuwaas saldhig u noqon doona horumarinta tiirka Dhaqaalaha Soomaaliya.




 

Previous Post

Shirka Madatasha Maayarada Galmudug oo meel fiican maraya

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa Dalka Kenya

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

Joint Statement on the illegal visit of the Israeli official to “Somaliland” Region of the Federal Republic of Somalia on 6 January 2026

January 9, 2026
0

The Ministers of Foreign Affairs of the Arab Republic of Egypt, the People's Democratic Republic of Algeria, the People's Republic...

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

Bayaan wadajir ah oo ka dhan ah booqashada sharci darrada ah ee xubno ka tirsan Isra’iil ku tegeen Gobolada Waqooyi ee JFS

January 9, 2026
0

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Gambiya, Jamhuuriyadda Indunuusiya, Jamhuuriyadda...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo ka hadlay xaaladda dalkeenna

January 8, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaaladda dalka, dadaallada...

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta XFS oo shir muhiim ah uga qeybgalay Kuwait

January 8, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Aadan Maxamed, ayaa maanta ka qaybgalay kulankii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In