Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga Horumarinta Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Maaliyadda xubno ka socday Bangiga Horumarinta Afrika.

Xubnaha wafdigan ka socday Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) oo uu hogaaminayey Sam Sakwa oo ah qabiir sare oo maamulka dhaqaalaha Bangiga ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa qiimeyn ay ku sameenayeen dib-u-habeynta Maaliyadda dalka iyo hubinta heerka isku haleynta hannaanka maaliyadda Soomaaliya oo sanadihii ugu danbeeyey isbadal la taaban karo laga sameeyey.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025

Wasiir Beyle ayaa kulan uu xafiiskiisa kula qaatay wafdigan ka socday Bangiga Horumarinta Africa u sharaxay habka shaqo ee hanaanka maaliyadda Soomaaliya iyo meelmarinta sharuucda hagta maamulka dhaqaalaha dalka.

Kulankan oo socday muddo laba maalmood ah, qeybna ay ka ahaayeen mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka midyihiin Wasiirka ku xigeenka Cabdullaahi Sheekh Cali Qalooocoow, Agaasimaha guud iyo Xisaabiyaha guud ayaa Wasaaraddu waxay kuanka kusoo bandhigtay horumarmaro dhinacyo badan oo ay dowladdu Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay ka gaartay maamulka maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta hay’adaha maaliyadda adduunka.

“Waxa ay u yimaadeen inay qiimeeyaan habka shaqo ee maaliyadda Soomaaliya, runtiina waxay garwaaqsadeen inaan gaarnay heerar aysan fileyn inaan gaarnay, waxaana filayaa inay la laabtaan warbixin wanaagsan ” ayuu yiri  Cabdullaahi Sheekh Cali Qaloocow Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyada

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ka mid ah hay’adaha caawiya Soomaaliya, kaas oo door fiican ku leh xoojinta iyo kor u qaadista dakhliga gudaha, kuwaas oo ay ugu dambeyso dib u dhiska xarumaha canshuuraha degmooyinka oo qaarkood dhawaan xariga laga jaray, sidoo kale Bangigu waxa uu ka mid yahay hay’adaha dhaqaalaha ee sida dhaw ugala shaqeeynaya Soomaaliya sidii ay ku gaari laheyd deyn cafiska.

 

Previous Post

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meelmariyay sharciga duulista rayidka ee Hawada “SAWIRRO”

Next Post

Guddoomiye Cumar Filish “Waxaan bulshada uga digaa inay isticmaasho dhulka danta guud oo ay leedahay dowladda” SAWIRRO

Next Post
Guddoomiye Cumar Filish “Waxaan bulshada uga digaa inay isticmaasho dhulka danta guud oo ay leedahay dowladda” SAWIRRO

Guddoomiye Cumar Filish “Waxaan bulshada uga digaa inay isticmaasho dhulka danta guud oo ay leedahay dowladda” SAWIRRO

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada(COP30)

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(BRAZIL):-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta ka qeyb galay shirka COP30 ee...

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya Ee Dalka Uganda Oo Ka Qaybgashay Munaasabad Tababar Loogu Soo Xirayay Saraakiil Soomaaliyeed

November 8, 2025
0

RADIO MUQDISHO(UGANDA):- 498 Sarkaal oo 48 ka mid ah ay yihiin Saraakiil Soomaaliyeed oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa maanta...

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In