Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen Tirakoobka hantida Qaranka “Sawirro+Dhageyso”

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in ay soo gabagabeeyeen Tirakoobka hantida Qaranka “Sawirro+Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkaan Jaraa’id uu Muqdisho ugu qabtay warbaahinta Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle waxaa uu ugu horeyn kaga hadlay geedi socodka wadahadalka deyn cafinta oo maraya wajigiisa afaraad waxaana uu ka muujiyay raja wanaagsan.

“July Aakhirkeedii imtixaan baa nalaga qaaday, bisha soo socota September mid kalaa nagala qaadaya, December midkale ilaa Bisha May, laakiin waxaa ugu muhiimsan laba imtixaan ee september iyo December oo hadii aan labadaa ka gudubno deyn cafiskii waa naga dhamaaday”.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiir Beyle shirkiisa jaraad kaga dhawaaqay in wasaaradu soo gabagabeeysay tirakoob ay ku sameysay hantida ma guurtada ah iyo guurtada ee qaranku leeyahay.

Wasiirka ayaa ku daray in dhawaan Wasaaradda Maaliyada ay tira koobka ay sameysay ay ku wareejin doonto Guddigga qaran ee soo celinta Hantida qaranka uu dhawaan sameeyay Ra’isalwasaaraha Soomaaliya si dib loogu soo celiyo inta ka maqan gacanta dowladda.

“Wax alle wixii dalku lahaa waan soo tirakoobnay (Hanti Guurto iyo Maguurto) waxaan dhawaan u gudbin doonaa guddiga Qaran ee ra’isuwasaaruhu sameeyay ee soo celinta Hantida Qaranka”.

Wasiirka Maaliyadda ayaa soo hadal qaaday qorshaha soo daabicida lacagta shilin Soomaaliga cusub waxaana uu sheegay in dowladu ku howlan tahay dardar galinta soo daabicideeda dhaqaalaha ku baxay oo ay dowladu bixinaysa ay hayaan kala barkood.

Tirakoobka ay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku sameysay hantida Qaranka ayaa ah talaabo loo qaaday ilaalinta hantida qaranka inta gacanta ay ku hayso dowladda iyo soo celinta hantida ka maqan waxaana dhawaan lagu wada in tirakoobkani ay wasaaradda ku soo bandhigto Muqdisho

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/08/Shirka-Wasiirka-Maaliyadda-oo-dhameystiran-.mp3
Previous Post

Shirka Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta DFS & Dowlad-Goboleedyada oo Warmurtiyeed laga soo saaray

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiiru Dowlaha Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika “Sawirro”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiiru Dowlaha Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika “Sawirro”

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiiru Dowlaha Ingiriiska Ee Arrimaha Afrika “Sawirro”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In