Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Adis Abbaba

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Adis Abbaba
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku wajahan Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay kula kulmaan kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka  deyn cafinta Soomaaliya (SMP4).

kullankaan ayaa waxaa si gaar ah looga hadlayaa wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay saddexdii bil ee la soo dhaafay  shuruudaha ku xeeran wada hadalka deyn cafinta wajiga afaraad, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ka hor kulamada wada hadalka deyn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay.

Wasiir Beyle ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta.

Previous Post

Wasiir Goodax iyo xildhibaanada laga Soo doorto deegaanada puntland oo ka wada hadlay horumarinta waxbarashada dalka+sawirro

Next Post

R/Wasaare Kheyre oo Beydhabo kula kulmay Safiirrada & Wakiilada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya

Next Post
R/Wasaare Kheyre oo Beydhabo kula kulmay Safiirrada & Wakiilada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya

R/Wasaare Kheyre oo Beydhabo kula kulmay Safiirrada & Wakiilada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In