Wasiirka Macdanta iyo batroolka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xuseen Yuusuf Jimcaale iyo xubno kale ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo bandhigayay sida Maamulka degmada Xamar Jajab uu ugu guuleystay qaadista canshuurta guryaha.
Guddoomiyaha Degmada Xamar Jabjab Axmed Cismaan Dhoore oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in sababta loogu guulestay canshuurta guryaha ay tahay bulshada ku nool Degmada oo ku xiran maamulka degmada Xamar JabJab.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale ayaa ku amaanay bulshada reer Xamar JabJab iyo Maamulkooda sida ay ugu diyaarsanyihiin in la horumariyo bilicda caasimada, waxaana uu 50 milyan oo shilinka Soomaaliga ah ku abaal mariyay Maamulka Degmada Xamar Jabjab.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ah mas’uuliyinta ka qeyb galay munaasabada ayaa sheegay in dadka oo ku tashta dhaqaalahooda ay keeneyso horumar iyo in ay shaqa abuur helaan dhallinyarada tahriibta ah ee badda ku dhamaaneysa.
Degmada xamar Jabjab ee Gobalka Banaadir ayaa sidaan oo kale waxey horey ugu guuleystay degmada ugu nadaafada wanaagsan, iydoo haatan ay kaalinta koobaad ka gashay dhanka qaadista canshuurta gurayaha, taas oo ay sheegen Maamulka gobalka Banaadir in lagu dhisi doono Waddooyinka bur bursan ee ku yaala magaalada Muqdisho.